Siyaasiyiin Reer Hargeysa Ah Oo Ka Hadlay Aragtidooda Warqada Wikileaks Ee Somaliland/Somaliya

0
490

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenkii Komishankii Doorashooyiinka ee dalka ugu horeeyey Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), iyo Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi),  oo isna hore uga tirsanaan jiray Xisbigii UDUB iyo Kulmiyeba, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo wararkii maalmihii ugu dambeeyey la isla dhexmaarayey ee ahaa Shabakada  wikilikes baahisay oo ahaa in Xukuumadda Somaliland la gashay heshiis Somaliya, iyada oo Mucaaradkanu eedo culus u soo jeediyeen Xukuumadan, ayaa  Labadan Siyaasi oo Shalay si wada jir ah Shir jaraa’id ugu qabtay Crown Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waxaas halkaas ka hadlay Siyaasi Cabdillaahi Jawaan waxaanu hadalkiisi uu ku bilaabay sidan “Arintan aanu ka hadleynaa waxaa weeyaan Somaliland markii hore waxa lagu murmi jirey muddo  kordhin  iyo Doorasho wakhtigaas  ha la qabto  wax tii ka duwan baa hada ka soo baxay  marka  Ninka Siyaasiga  ahi uu hadlaayo wax uu ku hadlayo waa in uu qiimeeya xumaan iyo wanaag waxaa ay keenayso .

iminka waxa inagu cusub warar ay qortey  wakaalada wikilikes  oo sheegayey in Xukuumadda Somaliland heshiis faderaal ay la saxeexatey Dawladda Somaliya runtiina wax waa la sheega  in aad wax  iska qaadato ma aha oo waa ninkaas xidhan ninka qorey  markaas arintaasi ayaanu ka hadleynaa anigu Xisbina kuma jiro Xukuumadana ku jiro waxii qalad aan u arkana waan ka hadlaa waxii aan wanaag u arko ee dalka loo qabtana waan ka hadlaa waxaana waajib inagu ah arin qaran marka ay timado in la wada difaaco arintaas wikilikes ay qortey waa in la hubsado oo yaan cadowgu inaga faa,ideysan.”

Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan  Hindi), oo isna dhankiisa ka hadlay Shirkaas jaraa’id ayaa hadalkiisi ku bilaabay sidan “Anagu Saddexda Xisbiga Qaran midna ma nihin  lakiin kama dhigna siyaasada dhabarka ayaanu ka sii jeedinay maadama oo aanan ka mid aheyn saddexda xisbi qaran markaa siyaasadu wey na sameysaa cidna u dabo fadhiisan meyno wanaaga Somaliland. Arinta maalamahan jirtaa waa website  waxna la galin karo waxna laga saari karo oo la leeyahay somaliland buu wax ka qorey  waxaan leeyahay waa ayaan daro Ragga waa weyn ee Siyaasiyiinta ah ee ka soo qaadanaya war bixintooda oo ay leeyahiin somaliland arin noocaas ah bey ku kacdey oo heshiis bey la gashay somaliya.

waxaana aanu leenahay hadii ay hayaan cadeymo cad banaanka soo dhiga saxiibadeyda mucaaridka ah ee xukuumada ku eedeynaya in ay heshiis la saxeexatey somaliya lakiin iyaga oo aan waxba heynin in ay yidhaahdan meelba wax daabacdey waa laga qurux badan yahay”