Siyaasiga Cabdillaahi Darawal Oo Wada Hadalada Somaliya Lala Furay Ku Tilmaamay Inay Daciifiyeen Qaddiyadda Somaliland

0
679

Hargeysa (Geeska )-Siyaasiga caanka ah Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku tilmaamay inay daciifiyeen qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Mujaahid Darawal, oo u waramay Barnaamijka Xusuus Reeb ee ka baxa telefishanka HCTV, wuxuu sheegay in is dhex galka ka dhashay wada hadaladu halis ku yihiin qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.  Cabdillaahi oo la weydiiyay sida uu u arko wada hadalada xukuumadda Somaliland la furtay Somaliya, wuxuu yidhi  "Wada hadalka ay dawlada Somaliland la furtey Xamar anigu waxaan qabaa in uu dhibaato weyn u geystay qadiyadeenii oo uu daciifiyey , waayo waxa ay keentay in si ula kac ah oo aan cidna laga baqayn in ninkii doonaa siyaasada Somaliya u galo oo Xamar ninku marku doono iska tago .”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Sidoo kale waxuu wada hadalkaasi keenay in mashaariicdii aanu ka ilaalin jirnay in nin reer xamar ka socdaaba uu ka qeyb galo , anagu waxaas waanu ka  ilaalin jirnay waayo  si yar oo aanad dareemayn baa laysku kiin dhex galinayaa  oo waliba anagu [ Somaliland] weynu ka itaal yar nahay oo iyaga [ Somaliya ]waa la ictiraafsan yahay  ,  mar marna waxaan idhaahdaa malaa weynu isku dhex darsanayba  " ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Darawal

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi sii raaciyey  "Wada hadalkan dadka aynu la hadleynaa ma aha dad xataa in aad dawlad gaar ah aheyd kuu ictiraafsan , oo waa inamo yar yar oo dhashay inaga oo isku dawlad ah oo reer Waqooyi layna yidhaahdo  , kuwii waaweynaana waa wada xaasid oo ka hadli maayaan markaas laysmaba fahmi karo ,  haddii ay xaqiiq inaga tahay na  waxeena inaga oo cidna la hadal ayeynu dhameysan karnaa  , markaas waxaan anigu odhan lahaa  waxan yeynaan isku mashquulinin ee dhaqaalaheena iyo dalkeena aynu dhisano  ma dalka ( Taywaan ) ayeynu ka liidanaa " ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Darawal.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu tilmaamay inuu arkayo inaanay xukuumaddan ka dhex jirin kala dambayn iyo wada shaqayn ka dhex jirtay dawladihii hore “Ta’ labaad waxa weeye wax badan oo aan isleeyahay waa loo baahanyahay oo wixii hore ee jiray baa laga bedelay. Anigu waxaan qabaa maamulkeenii berigii hore iyo kala dambayntii iyo wada shaqayntii inaanu jirin ayaan qabaa oo uu daciifay, waxaanan kula talin lahaa inay dib isugu noqdaan, waayo haddii aanay fulintu wada socon wax shaqaynaya ma noqonayaan waxay qabanayaan.” sidaas ayuu yidhi Darawal.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu xukuumadda u soo jeediyay inay dib ugu noqo qaababka ay dadka wax ugu sharaxdo si ay wax u fahansiiso.