Siyaasi Reer Awdal Ah Oo Wasiirka Ganacsiga Ku Eedeeyay Xaaladaha Boorama

0
858

Hargeysa(Geeska)- Siyaasiga Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Muxumed ayaa wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin ku eedeeyay inuu ka hor istaagay beeshooda inay tabashadooda madaxweyanaha kala hadlaan, waxaanu madaxweynaha ugu baaqay in isaga ay u taalo xalinta dhibaatada beelaha Somaliland ay tirsanayaan.

Wasiirkan hore ayaa isaga oo la hadlaayay warbaahita waxa uu yidhi “ Wasiirka la yidhaahdo Sacad oo gobaka Awdal ka soo jeeda isaga oo ka hadlaaya meel xaflad ah waxa uu ku daray hadalkiisii in aan loo baahnayn jabhado ee loo baahan yahay mushkilada siyaasiga ah  ama tabashada  lagu xaliyo wada hadal, runtii siyaasada ragaadiga ah ama buuqa siyaaadeed waxaan qabaa inuu  ka mid yahay isagu, ninka masuulka ah ee qaranka waxa ay masuuliyadiisu tahay inuu qaranka iyo reerkiisa xidhiidhiyo 2018 ayaa uu madaxweyne Muuse Biixi tagay qalinjabintii Camuud  waxa uu joogay madaxweynuu mudo laba habeen ah waxaan ka hawl galay  in beesha aan ka soo jeedo ee reer Nuur  inay madaxweynaha la kulmaan oo ay tabashadooda iyo dhibaatada ay qabaan, marna waxaan nahay dawlad marna reero dawladuna waxay ka koobantahay reero isku tagay reerahuna waxay xaq u leeyihiin inay ka qaybgalaan khayraadka dalka tabashadoodii inay inay u gudbiyaan isaga iyo kooxo kale oo ku taageerayay waxay ka horjoogsadeen inay madaxweynaha la kulmaan.”

Waxa uu sheegay in wasiirka ay u taalo inuu xaliyo dhibaatada uu Suldaankiisu uu Boorame ka gaystay “Waan ka xumahay imika Suldaankii adiga raaskaaga ahaa ayaa mushkiladii ugu badnayd ka sameeyay Boorame waxaan ku odhan lahaa taasna adigu xali.”

Siyaasiga Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Muxumed  ayaa sheegay in madaxweyne Biixi looga baahan yahay inuu xaliyo dhibaatooyinka beelaha cabanaaya ee reer Somaliland galbeed iyo bariba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here