Siyaasi Cumar Yare Oo Tilmaamay In Aanay Somaliland iyo Somaliya Wadaagi Karin Dawladnimo

0
1293

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo , ayaa sheegay in aan shaki la galin karin qadiyada madax banaanida Somaliland, waxaanu tilmaamay in mawqifka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisuba ay cad yihiin, xilli la dhaliilay safarkii Madaxweynaha ee dalka Itoobiya.

Siyaasi Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ku taliyey in siyaasad iyo qorshe fog laga yeesho abaaraha soo noq-noqda, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliya

Diin,Dhaqan,Walaaltnimo iyo Jaarnimo mooye,Dalnimo iyo Dawladnimo inagama dhaxayan karaan,go’aan umaddeed baana dhacay, go’aanka iyo rabitaanka umadda Somaliland gorgortan iyo xal lagama gali karo, ciddina ma bedeli karto, Madaxda Somaliyana waxaanu leenahay midnimo dambe ha ku tashanina, mawqifka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisuna waa caddaan, Madaxweynuhuna uu ku saxsanaa qaabkii uu uga hadlay nidaamka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, si fiicana uu u abaaray”.

Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa uu yidhi “Xidhiidhka ay wada leeyihiin labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland, waa mid soo jireen ah, waa laba dal oo jaar ah, waxaana ka dhexeeya xidhiidh iskaashi, xidhiidh ganacsi, xidhiidh jaarnimo, xidhiidh nabadgalyo, mar hadii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya kulmeena, xidhiidhku intii hore uu ka sii kordhayaa, Dekadeenana Itoobiya wey u baahan tahay, maxaa yeelay dadka Itoobiya waa dad aad iyo aad u badan, oo Dekad iyo laba Dekadoodba kuma filna, dabcan isticmaalka Dekaddeena ee Itoobiyana dhaqaale ayaa inaga soo galaya”.

Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi “Kolay cimiladiina wey is bedelaysaa, nabaad guurna dhulkii uu ku dhacay,Goboladii Barriga roob badani kuma da’in, dhirtiina xaabo iyo dhuxul baa laga dhigtay, oo cawskii ayaa xitta la guranayaa oo mijin jaada la siisanayaa,ee ILLAAHAY raxmaadkiisa ha inoo shubo, baahideenuna wey badan tahaye, ee baahideena aynu sii kala soocno oo siday u kala daran tahay aynu u kala galno, oo aynu qorshe ka sii dhigano, kolay wax walba wey dhacaan, laakiin haddii aynaan waxba ka sii diyaar-garoobin oo maalinta ay dhibi dhacdo aynu is nidhaah wax qabta, waxaynu qaban karno ayaa iskaba yar”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here