Siyaasi Cabdillaahi-Jawaan Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobalka Geeska Afrika

29
3272

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey ee Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xaalada Siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey ee Somaliland Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Somalida iyo Itoobiya isla soo mareen, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  yidhi “Maalmahan waxay su’aalo badani ka taagnayeen arinta ka socota qaybaha kala duwan ee Warbaahinta kala duwan ee Caalamka, gaar ahaan Warbaahinta kala duwan ee Soomaalida, kuwaas oo doodo fara badani ka furmeen, doodahaas oo salka ku hayay heshiiskii ay wada gaadheen Raysal-Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Eratariya, iyo Madaxweynaha Somaliya, ee ahaa inay iskaashan doonaan, taas oo Raysal-wasaaraha Itoobiyana uu yidhi hal dawlad baanu noqonaynaa Somaliya iyo Itoobiya, is raaca uu Raysal-wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay, ee uu hadalku ka taagnaa, Geeska Afrika, Somalida iyo Itoobiya in badan bay taariikh xun oo colaadi jirtay, laakiin mudaynkan dambe wey isku soo dhawaadeen, oo cudurkii wuu baxay, ilaa iyo intii Jabhadihii SSDF iyo SNM, ay sameysmeen, xidhiidh wanaagsan baa ka dhexeeyey, laba jeer bay Somalida iyo itoobiya is dileen, oo kala ah 1964 iyo 1977, dagaalkii dambe ee 1977, Dawladdaha reer Galbeedku Itoobiya wey u soo gurmadeen, laba masuul baa loo xilsaaray oo la yidhi ka soo taliya, wuxuu mid ahi ahaa David Owen, oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Brotian, iyo Andaria, oo ahaa Wakiilka u joogay Mareykanka Qaramada Midoobay, waxayna ku taliyeein in Somaliya la iskugu tago Bari iyo Galbeed, oo xoog lagu jabiyo, tii baa dhacday, Kuuba ayaa la soo galiyey, sidaas ayaa Somaliya lagu jabiyey, hadaladoodiina waxaa ku jiray in aan Ciidan adag oo Somaliya in aan la abuurin, arintaasi ilaa maanta wey taagan tahay, markaas Itoobiya waa dal xoog leh, oo dhisan, balse Bad  lahayn, laakiin waxaa maanta u muuqata baylahda Somalida, oo noqday dad la haysto, oo iyaguna is haysta”.
Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey qaabka ay iskugu biiri karaan Somaliya iyo Itoobiya ayaa yidhi “Waxay isku biiri karaan marka dhulka Somalida ee shanta loo qaybiyey, la isku duwo, oo Somalida oo midaysan, in markaas ay Itoobiya isku darsadaan oo hal dal oo Fadaraala noqdaan waa la sameeyn karaa, ama in Wadamada Geeska Afrika in la is raaciyo, oo Dawladaha IGAD fadaraal laga dhigo, labadaasba Somalidu wey u qalantaa, laakiin maanta Somaliya oo aan cago ku taagnayn oo ah dal burbursan, waxay ila tahay in aanay midoobi karin”

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu baaq u diraayey Farmaajo ayaa yidhi “Somaliland waa dal gaar u tagaan,  oo 27 sanno ahaa dal,   nidaam leh, oo Dimuqraadiyad iyo Barlamaan leh, oo wixii Dawladi u baahnayd leh, Midawgii Soofiyeeti 15 dal baa ka go’ay, Suudan laba dal bay kala noqotay, oo Koonfurta Suudan baa laga gooyey, Eratariya, itoobiya ayaa laga gooyey, midna lama odhan khalad maaha, laakiin waxaad mooda Somalida in aan dan laga ahayn, oo ay yihiin dad la haysto, oo iyana is haysta, Farmaajo marka uu leeyahay waxaanu is kaashanaynaa Itoobiya iyo Eratariya, Raysal-wasaaraha Itoobiya wuxuu wataa Madaxweynaha Eratariya, waxaanan ogeyn in Itoobiya iyo Eratariya ay kala go’een, dagaal xun baa ka dhexeeysay, cadaawad xun baa ka dhexeeysay, Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa yidhi waan tanaasulay, nabad buu ka doorbiday, isaga ayaa Eratariya tagay oo ku horeeyey halkii ay isku haysteen buu u daayey, waxay doonayeen buu u daayey, taas baa keentay inay iskaashadan, Farmaajana waxaan leeyahay taas teedana waxa u dhiganata Somaliland iyo Somaliya oo iskaashada, maxaa yeelay Somaliland iyo Somaliya wey isku biireen, haddana wey kala noqdeen, Somaliland wakhtigaas waxay raadinaysay shantii Somalida, balse wey suurtagali weyday, Jabuuti waa dal gaar ah maanta, lagama daba qaylinayo, Somalida Kenya, waa is maamul gaar ah, oo lagama daba qaylinayo, Somalida Itoobiyana waa ismaamul gaar ah oo lagama daba qaylinayo, ee Farmaajo waa inuu fahma in sida ay isku kaashanayaan Itoobiya iyo Eratariya, ee laba kursi u yeesheen, waana inuu Farmaajo u yimaada Muuse Biixi, oo uu ku yidhaahda qaranimada Somaliland waanu aqoonsanaynaa,  Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu ku daydo  Afewerki iyo Abiy Axmed siday isku kaashadeen inay Muuse Biixina isku kaashadaan, oo ay Somaliland iyo Somaliya iyagoo laba dal ah, oo jaar, oo ay wax wada qabsadaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here