Siyaasi Cabdillaahi Geeljire Oo Fursad Wanaagsan Ku Tilmaamay Boqashada Madaxeynaha Ee Itoobiya

0
879

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan(Geeljire), ayaa ka hadlay safarka madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in safarkani uu Somaliland fursad u yahay,  isagoo tilmaamay inuu Madaxweynuhu Itoobiya kula kulmi karo madax badan oo ka socda Wadamada Afrika, madaama Shirkii Afrika ka socda Itoobiya.

Cabdillaahi Jaamc Geeljire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinaca Dimuqraadiyada, Siyaasada, Doorahooyinka iyo sugida Nabadgalyadeeda, sidaas oo ay tahayna ay beesha caalamka uga fadhido aqoonsi buuxda oo caalamiya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya safarka madaxweynaha “Xidhiidhka aynu Itoobiya la leenahay waa xidhiidh aad u wanaagsan oo soo jireen ah,waana la filayey in Itoobiya ay martiqaad u fidiso madaxweynaha, Shirkii guud ee EU-dana uu ka socda Itoobiya, inuu Madaxweynuhu wakhtigan oo kalena uu safarkiisa Itoobiya uu ku beegmo Shirka EU-da, oo socda waa arin fiican, waa suurtagal inuu madaxweynuhu arko madax Afrikaan ah oo qadiyeena horumaraya, madaama Shirkii EU-du ka socdo Itoobiya, oo barnaamijka madaxweynaha ee horumarinta in dalkeena Ictiraaf raadintiisa la gaadhsiiyo meelo badan bay ka mid tahay, markaas taasina aad bay u wanaagsan tahay”.

Mar uu ka hadlaayey caalamka iyo qadiyada Somaliland ayaa yidhi “Wadamada Afrika oo qudha maaha, ee Caalamka oo dhan baynu uga fadhinaa inay jiritaankeena qiraan, aqoonsi caalamiyana ina siiyaan, maxa yeelay tan iyo markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadeenii, horumar balaadhan oo dhinac kasta ah ayeynu gaadhnay, haddii ay noqoto Dimuqraadiyada, haddii ay noqoto Doorashooyinka, haddii ay noqoto Nabadgalyadeena oo aynu sugnay, iyo haddii ay noqoto dhinac kastaba, heerkaynu gaadhnayna Wadamo badan oo la aqoonsan yahay ayaan gaadhin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here