Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 9aad – USA
Hodan aragtidaadaan
U hammuumayaayoo
Hawshii i gaadhaan
Weli hibanayaayoo
Waa habeen la yaabloo
Aan kuu han weynee
Ma ii soo hiloobi.
Sida geel horweynoo
Hoobooy la yidhi baan
Kuu soo handadayee
Waa habeen la yaabloo
Aan kuu han weynee
Ma ii soo hiloobi.
Rashiid Bulo
Xeeldheerayaasha Khawaajayaasha Fartii Masaariidii hore ee lagu magacaabay Hieroglyphic waxay sawirkan u asteeyeen inuu u taagan yahay xarafka shibannaha “H” ee Farta Laatiinka oo lagu qoray Af-Soomaaliga. Sawir kale oo isna aan ku dooday inuu “H” u taagan yahay ayaan soo aragnay. Dhib ma’aha oo laba iyo saddex sawir oo xaraf wada tilmaamaya ayaa ku jira Hieroglyphic oo ay fartaas qoraalka ku jira ilaa 7,000 oo sawir.
Haddaba, sawirkan isaga ah waxa xeeldheerayaashu u qoreen “HD” taas oo ay ku macneeyeen inuu yahay erey sheegayaa; “Hut, Hall, Courtyard” afka Soomaaligana ku noqonaya midkood inuu yahay; “Buul-caws, Gole, Xero ama Daarad.”
Dhinaca Af-Soomaaliga haddii loo kaco wax ereygaasi noqon karaa marka la xarakeeyo oo shaqal la geliyo; “Hod, Hood,” kuwaas oo ay ka soo jeedaan ereyadan; “Hodan, Hoodo, Hoodaale,” oo iyaguna tilmaamaya xoolo-qabeen; ama lahaansho xooleed.
Sidaas haddii aan ku dhiirrano ereyga Hod ama Hood waxa macnihiisu yahay; “Xero.” Halka Hodan iyo Hoodo waxay noqonayaan,
Waa kii xerada lahaa ama
Waa tii xerada lahayd
Oo ahaa ama ahayd hantiile. Hoodle micnihiisu waa iska cad yahay kii xerada ama xoolaha iyo hantida lahaa ama meeshii xooluhu ku badan yahay.
Haddii aan hore uga sii dhaqaaqno, qofka xoolaha badan leh waxay Soomaalidu tidhaahdaa; “Waa Oodweyn.” Sida loo kala Oodweyn yahay ama xera weyn yahay, ayaa loo kala xoolo badan yahay.
Haddaba, ereyga; “Ood – waa Hood,” oo shibannaha; “H” ka reebmay, taas oo koritaanka afafka la socota. Marka Hoodaale iyo Oodaale waa isla mid, Reer magaalku waxay yidhaahdaa; “Waa la kala jeeb weyn yahay,” oo ah; “Waa la kala lacag badan yahay.” Markii horena waa la kala ood weynaa, “Hood weynaa,” oo lala kala xoola bandnaa.
Haddii aad sawirkan u fiirsato waxa uu u eg yahay xero xoolaad. bal aan eegno ereyada ku bilaabma shibannahan iyo macnahooda iyo kuwa u dhigan Af Soomaliga.