“Beesha Caalamka Loogama Baahna Inay Soomaaliya Wax Inoo Soo Mariyaan..”

0
799

Cabdisalaan-turki

Hargeysa (Geeska) – Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan kala duwanaashaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay ixtiramaan jiritaanka Qaranimada iyo Dawladnimada Somaliland.

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay curashada bisha Ramadaan, xanuunka Koronaha ee dunida ku faafay, kana digay colaado iyo dagaal dib looga bilaabo Gobolka Sanaag.

Waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi  “Somaliland iyo Soomaaliya markii hore iyaga ayaa iskood iskugu biiray, iyagoo ah laba dal oo kala duwan, waliba wakhtigaas Somaliland waxay raadinaysay shantii Soomaalida, oo noqda dal ballaadhan, laakiin taasi suurtagal way noqon weyday, kadibna Somaliland xoriyaddii ay ku lumisay shanta soomaaliyeed oo isku iman waayey, waliba ka dhaxashay xasuuq, cadaadis iyo dil lagu hayo dadkeeda, ayaa halgan dheer kadib xoriyaddii aanu dib ula soo laabanay, sidaas darteed Maanta waxaynu nahay Waddan jira oo xor ah oo aan meel kale looga talin, ee Beesha  Caalamku inay ixtiraaman qaranimada iyo dawladnimada Somaliland ayaa looga baahan yahay, Beesha Caalamka loogama baahna inay Soomaaliya wax inoo soo mariyaan, ee waa inay sideena inoola macaamilaan, oo waliba aqoonsi buuxana ay ina siiyaan”.

Mar uu ka digayey colaadaha wuxuu yidhi “Bishii Ramadaan ayaa inoo curanaysa, waa bishii Shaydaanka la xidhi jiray ee in la isa saamaxo oo ALLE lla baryo ayaa inala gudboon, in la joojiyo colaadaha kolba soo noqonaya oo aan la jabin heshiiskii hore loo galay ayaa loo baahan yahay, Maanta Adduunkii waxaa ka taagan dhibaato culus oo uu ugu horeeyo xanuunka Koronaha, oo illaa hadda loo la’ yahay dawo, markaas ha la qaato wixii waano iyo tallooyin ah oo ku saabsan ka hor taga xanuunkan, ta kale inagu waxaynu nahay dad muslim ah, oo diinteenu waa diintii xaqa ahayd, oo nadaafadda iyo farao-xalkaba way inagu boorisay, sidaas oo ay tahay mar walba nadaafadda ha la ilaaliyo”