Sirdoonka Somaliland Oo Qabtay Masuul Ka Mid Ah Dawladda Somalia

0
198

Burco (Geeska) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa Magaalada Burco ku qabatay Madaxa Waaxda dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Sida Hay’addu baahisay Ninkan oo magaciisu yahay Deeq Cilmi Rooble, ayaa Burco u joogay kala furfurka dhalinyarada Somaliland iyo fidinta Warar borobagaando ah.

Deeq Cilmi Rooble oo aan la ogayn sida uu ku soo galay gudaha Somaliland, ayaa waxa gacanta ku dhigay Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland ee NIA.

NIA ma bixin faahfaahin intaa ka badan, balse maaha qofkii ugu horreeyay ee ka mid ah shaqaalaha Dawladda Somalia ee ay qabato Hay’adda Sirdoonka JSL