Qandaraaska Qeybta 1aad Ee Dhismaha Wadada Djibouti —Borama — Jigjiga Ayaa Ka Soo Gudbay Dhanka African Development Bank, Wuxuna U Soo Gudbay Dhanka Djibouti Iyo Somaliland

0
177

Wajiga koowaad ee dhismaha ayaa ka soo bilaabmaya deegaanka Nagaadh ee dalka Djibouti, wuxuna ku joogsanayaa Saylac, Somaliland.

Mashruuca dhismaha jidka waxa la socda mashaariic kale oo ay ka mid yihiin ?Horumarinta dalkxiiska oo dhinaca Djibouti ah.

?Dhismaha, casriyeynya iyo horumarinta nidaamka kastamka oo dhanka Somaliland ah  ?Taageerida kaluumaysatada oo dhanka Somaliland ah.

Labada mashruuc ee dambe ayaa uu ahaa kuwa uu muranku ka taagnaa, maadaama ay Soomaaliya rabtay ama ina magaca iyo nidaamka Soomaaliya lagu fuliyo ama dhinaca Soomaaliya loo leexiyo mashaariicdaa, si khaas ah deegaanka Hobyo.

Halka Xukuumadda Somaliland-na ay taagneyd, mayee maadaama wajigigii koowaad ee bilowga ama seeska u ahaa mashruuca oo kala ahaa seddex qeybood la fuliyey iyadoo magaca Somaliland la isticmaalayo, inta dhimana in sidaa lagu dhameystiro, iyadoo magaca Somaliland la isticmaalayo.

Mashruuca wejigiisa koowaad ayaa la fuliyey intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2021, wuxuna ka koobnaa diyaarinta seddexdan qorshe oo sees u ah dhismaha jidka isku xidhaya Djibouti — Borama iyo Jigjiga

??Feasibility study

??Environment Impact Assessment

??Engineering Design

Fulinta wajiga koowaad ee 2019 — 2021 socday waxa qandaraaskiisa ku guuleysatay shirkad Ethiopian ah, balse qandaraasyadii hoose ee ka sii dhalanayey qandaarskaawaxa fuliyey shirkaddo reer Awdal ah.

Hada, qeybta koowaad ee dhismaha jidka waxa ka dhalanaya dhawr qandaraas oo ku lamaan qandaraaska Dhismaha Jidka, kuwaas oo sida loo badinayo qandaraasyadoodu ka madaxbanaan yihiin dhismaha jidka. Waxayna kala yihiin

??Dhisida goobaha dalxiiska Nagaadh, Djibouti

??Dhismaha kastamka Saylac iyo casriyeynta & horumarinta nidaamka iyo habraacyada uu ku shaqeeyo

??Horumarinta kaluumaysatada Lawyacado iyo Saylac.

Mashaariicda noocan ah, Afka Dhaqaalaha Dawladda (Public Sector Economics) lagu tidhaa “mashaariicda shiiqiya xasaradaha ama dhibaatooyinka ku dhalan kara maalgalinaha waaweyn.”

Abdirahman Mohamed Ibrahim

Trade Facilitation Analyst