Sidee Gobalada Iyo Degmooyinka Dalka Looga Xusay Maalinta Qaranimada?

0
710

018Hargeysa(Geeska):-Waxaa maalintii shalay guud ahaanba gobalada iyo degmooyinka Somaliland si weyn looga debaal degay sanad guurada 24aad ee dib ula soo noqoshada madax-banaanida qaranka Somaliland ee xuska 18ka May oo ku beegnayd maalintii ay Somaliland sanadkii 1991kii dib madax-banaanideeda ugala soo noqotay dalka Somaliya.

Waxaana ay shacbiga Somaliland isagu soo baxeen waddooyinka hal bowlaha u ah magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Barbera, Laascaanood, Gabilay, Baligubadle, Burco, Salaxlay, Oodweyne iyo Ceerigaabo, sida oo kalena waxaa ay isagu soo urureen goobo loo asteeyey oo ay joogeen madaxda qaranka Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo afaafka hore ee aqalka madaxtooyada salaan sharaf kaga qaadanayey cutubyo ka tirsan xoogaga ciidamada kala duwan ee qaranka iyo sida oo kale guud ahaan qaybaha kale duwan ee bulshada oo gaadi ciyaar ku hormaraayey wadada halbowlaha ah ee hormarta aqalka madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci),guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), wasiiro iyo madaxda kale ee gobalka Boorama, ayaa iyaguna dadweynaha reer Boorama kala qayb galay xuska 18ka May, halka guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe uu isna dad weynaha reer Burco kagala qayb galay xuska sanad guurada 24aad ee 18ka May.

Dhanka kale magaalooyinka Barbera,Oodweyne, Salaxlay, Ceerigaabo, Gabiley iyo Baligubadle, ayaa waxaa iyagana dad weynaha ku dhaqan dareenkooda ku aadan xuska 18ka May kala qayb qaatay qaar ka tirsan wasiirada xukuumada Siilaanyo, madaxda heer gobal, xildhibaano, madax-dhaqameed iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Waxaana dadweynahii isu soo baxay maalintii shalay ay guud ahaanba si weyn u muujinaayeen dareenkooda ku aadan xuska sanad guurada 24aad ee 18ka May,iyaga oo ku jeeni qaarnaa calanka bilicda san ee Somaliland, halka qaarkoodna aad arkaysay iyaga oo jidhkooda soo mariyey calan rinji ah, waxa kale oo aad shucuubta dadka ku dhaqan magaalooyinkaas aad ka dheehan karaysay sida ay ugu faraxsan yihiin gooni isu taaga qaranka Somaliland, kuwaas oo badidoodu ku dhawaaqayey erayo ku dareen galinaaya oo ay ku taageersan yihiin madax-banaanida Somaliland iyo sida oo kale erayo ka dhan ah dawlada Somaliya oo dib kuu xasuusinaaya xasuuqii ba’naa ee kaligii taliskii Siyaad Barre uu ka gaystay Somaliland.

Mid ka mid ah dadkii shalay sida weyn ugu debaal degay xuska sanad guurada 24aad ee dib ula soo noqoshada madax-banaanida qaranka Somaliland, oo dareenkiisa cabiraaya, ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu u soo baxo xuska maalintan, waxaana uu tilmaamay in qaranka Somaliland uu yahay qaran madax-banaan oo ka tashaday dawlada Somaliya isla mar ahaantaana aan waligii dib ula midoobi doonin, isaga oo sida oo kalena guud ahaanba shacbiga Somaliland u diray hambalyo ku aadan maalintan Illaahayna uga baryey in sanadka sanadkiisa ay ku gaadhaan nabad, horumar iyo ictiraaf ay Somaliland ka hesho dunida inteeda kale.

“Farxadweyn ayaa ay maanta ii tahay in aan u soo baxo in aan muujiyo dareenkayga ku aadan xuska sanad guurada 24aad ee 18ka May, Illaahay ayaa mahadleh mar haddii ay geesiyaashayadii nagu soo simeen qaranka, annaguna heegan ayaanu ugu jiraynaa, waligayo dib ulama midoobi doono Somaliya, taas niyada ha gashadaan, waxaan doonaynaa in aanu noqono Laba dal oo walaalo ah oo ku midooba danaha ka dhaxeeya Laba wadan oo leh xuduud. Guud ahaan shacbigayga aadka u fiican meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay nabada inoo illaaliya, waa ta dunida oo dhan la innagu ma jeertay, waa mida aynu filkeen kaga dheeraynay, waxaanan Alleh innooga baryeyaa in uu sanadka sanadkiisa innagu gaadhsiiyo nabad, horumar iyo ictiraaf aynu ka helno dunida.”.Ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii shalay u soo baxay xuska 18ka May.

Debaal degyadan lagu xusaayey sanad guurada 24aad ee xuska 18ka May, ayaa ahaa mid guud ahaanba si weyn looga dareemay gobalada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana xusid mudan in debaal degii xuska 18ka May ee sanadkan uu ahaa mid guud ahaanba ka duwan kuwii hore maadaama iyada oo maalmihii u danbeeyey uu dalka ka taagnaa khilaaf siyaasi ah oo ka dhashay muddo kordhinta hadana aad arkaysay in ay shacbiga dhammaantiiba ay iyaga oo aan kala lahayn mucaarad iyo muxaafad toona ay u midoobeen weyneynta maalintan ku qaaliga ah qaranka Somaliland. Ugu danbeyntiina waxaa kale oo xusid mudan in ay guud ahaanba dadkii xuskan ka qayb qaadanaayey ay si weyn u soo bandhigeen waxyaabaha ugu xiisaha badnaa ee ay ku muujinaayeen dareenkooda maalintan ku aadan, iyada oo afaafka hore ee qasriga madaxtooyada Somaliland uu madaxweynahu salaam sharaf kaga qaadanaayey ciidamada kala duwan ee qaranka, oo soo bandhigay cududooda ciidanimo iyo hubabka kala duwan ee uu haysto qaranka Somaliland, waxa kale oo halkaasi la soo mariyey Libaax loo xidhay calanka Somaliland, adhi dhalay oo naylahiisii wata, diyaarad iyo sida oo kale dhammaanta qaybaha kala duwan ee bulshada oo halkaasi kusoo bandhigay waxyaabo aad kuu cajab galinaaya.