Siciid Sulub Oo Dr. Gaboose Ku Bogaadiyay Mawqifkiisa Uu Ku Cadeeyay Inaanu Cirro Kula Tartami Doonin Waddani

0
494

 

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Siciid Sulub Maxamed ayaa Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ku bogaadiyay sida uu u cadeeyay inaanu Cabdiraxmaan-Cirro kula tartami doonin murashaxnimada xisbiga Waddani islamarkaana uu dhisi doono.

siciid-sulub

Siciid Sulub oo shalay saxaafadda Hargeysa kula hadlaya wuxuu farriin u diray dadka ka faalooda shirka golaha dhexe ee Waddani ee saadaaliya in lagu tartami doono, “Tartanka dimuqraadiyadaa ina faraysa in xisbiyada gudahooda lagu tartamo, waxa kale oo ay ina faraysaa oo distoorkeenuna qorayaa in tartankaas qofka ku soo baxaa noqdo murashaxa labada xisbi ee kale la tartamaya, markaas xisbi ahaan sidii guddoomiyaha xisbiguba ku dhawaaqay waanu soo dhawaynaynaa marka la gaadho shirka golaha dhexe cidii iska dhex sharaxaysa.”

Isagoo ka hadlaya hadalkii Dr. Gaboose wuxuu idhi “Maalin dhawayd jaraa’idka qaar ayaa qoray Gaboose oo isla sharaxaya Cabdiraxmaan-Cirro, waxaan ku hambalyaynayaan Gaboose oo hankaas leh una qalma inuu xisbiga iska dhex sharaxo inuu saxaafadda u cadeeyay inaanu Cabdiraxmaan-cirro xisbiga kula dhex tartamayn isagana dhisayo, taas waan ku hambalyaynayaa Dr. Gaboose oo runtii u qalma, waxaanan u sheegayaa dadka aan xog-xogaalka ahayn ama jecel sidii KULMIYE in la isku qabsado Waddani ama isku xoqaya siyaasiyiinta Waddani waxaan leeyahay suga wakhtiga   shirka golaha dhexe ciddii soo baxdana arka.”