Siciid Cilmi Rooble Oo Cadeeyay Inuu U Sharaxanyahay Jagada Gudomiyaha Golaha Wakiilada

0
555

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiiyaha Guddida Dastuurka, Shuruucda iyo Xuquuqul Isaanka Wakiilada, si rasmiya u shaaciyey inuu u taagan yahay una sharaxan yahay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada,  madaama lagu wado inuu xilka iska casilo  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

sssss

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo Shalay si rasmiya ugu dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Wakiilada,ayaa wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenku Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), inay faragelin ku hayaan Golaha, isla markaana ay doonayaan in Guddoomiyaha Golaha ay ka dhigaan Xildhibaan Muxaafid ah, waxaanu tilmaamay in faragelintii ay Xukuumaddii Daahir Rayaale ku haysay Golaha faragelin ka daran uu Kulmiye ku hayo Golaha Wakiilada, "Guddoomiyihii Golaha Wakiiladu waa xay oo wuu joogaa, kursigiisi wuu fadhiyaa, wali kumuu dhawaaqin inuu ka baxo xilka oo uu iska wareejiyo xilkaa, wey iman doontaa maalin uu xilkaas Guddoomiyuhu wareejiyo, oo uu musharaxnimadiisa u madax banaanado, laakiin waxaan la yaabay nin meeshii jooga, oo aan sheegin inuu ka tagaayo, Kursi ninkii lahaa fadhiyo oo lagu loolamaa, waa wax la yaab leh, marka anaga qoladaydana reer Wadani arintaasi mucjiso ayey nagu yar noqotay". ayuu yidhi xildhibaan Siciid.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey hankiisa ah inuu noqdo Guddoomiyaha Wakiilada ayaa yidhi "Aniga hankaygu wuu gaadhsiisan yahay in aan noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, sababtu waxa weeyey Ragga ugu khibrada dheer Golaha ayaan ahay, guud ahaan  waxa aan qabaa in aanan imika waxba sheegin, anigu odhan maayo imikan tartamayaaye, marka uu Cirro ka baxo meesha anigu  kow ka u taagan Guddoomiyaha ayaan ahay".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu Xukuumaddu ku eedayey inay waddo qorshe ay ku doonayso inay Guddoomiyaha ka dhigto Xildhibaan ka soo jeeda Kulmiye ayaa yidhi "Waxaan ka war hayaa in Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici laftiisu Madaxweyne ku xigeenka markii ay kii kowaad iyo kii labaadba ay isku magacaabeen, waanu ognahay laakiin may ahayn inay Golaha ku soo duulaan, in Muuse Biixi iyo ninka la yidhaahdo Saylici inay duulaan ku soo qaadan, oo ay iyagu xisaabsadaan, oo ay wax magacawdaan, Golahani wuu ka madax banaan yahay Xukuumadda,  anagu hawshaas maanu galin qoladayda reer Waddani, waayo Odaygaygii ayaa meesha fadhiya, hasa yeeshe marka ay timado, waa nin iyo nasiibkii, waxaana qaba in cid nooga rajo weyni in aanay jirin, labada xubnood ee hoose ayaa Kulmiye ah".

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumaddii Daahiir Rayaale iyo doorkii ay ku lahayd Golaha waxa uu yidhi "Waxaanu Daahir Rayaale Kaahin ku eedayn jirnay Goluhu faragelin ku hayaa, waxa ka weyn faragelintii Daahir tan uu Xisbiga Kulmiye ku hayo, waxaan leeyahay faraha kala baxa weydun eediye".