Hargeysa(Geeska) – Shirweynaha Afraad ee dalada NAFIS Network oo ka shaqaysa la dagaalanka gudniinka gabdhaha ayaa toddobaadkan lagu soo gunaanaday magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Labaatan urur oo xubno ka ah ama ku bohoobay daladaasi NAFIS.
Furitaanka Shirweynahan Afraad ee dalada NAFIS ayaa furtay wasiir ku xieenka wasaaradda arrimaha bulshada iyo shaqada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, oo ah wasaaradda ay daladan xidhiidhka wada shaqayneed leeyihiin, waxaana ka qayb galay wasiirka Deegaanka, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cartan, Gudoomiyaha ururka Kalkaaliyeyaasha Nursing Association Foosiya Maxamed Ismaaciil, Agaasimaha NAGAAD, Nafiisa Yuusuf, Agaasimaha SONYO Mr Siciid Maxamed iyo Agaasimaha SONSAF Maxamed Barawaani, kuwaas oo dhamaantood si qoto dheer uga hadlay dhibaatada gudniinku u gaysto gabdhaha iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato daladan NAFIS sidii loo joojin lahaa.
Daladan NAFIS oo labadii sanaba mar hoggaan doorata ayaa mar labaad shirweynahan afraad ku dooratay hogaankii hore ee daladaasi NAFIS oo ka koobnaa todoba xubnood, ka dib markii ay ergadu dalbatay in hoggaankaas hore loo kordhiyo laba sannadood oo ay shaqada sii wadaan.
Waxa halkaas ka hadashay Gudoomiyaha Dalada NAFIS Aamina Xaaji Maxamuud (Aamina Milgo) oo mar kale loo doortay hogaaminta daladaasi waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Sidaad Boardka ka aragtaanba waa shirweynihii NAFIS, markaa haddii aan wax yar iftiimo NAFIS waa network-gii ama isku xidhkii arintan oo xasaasi ah oo dhib badan (Gudniinka) urur iyo laba toona waxba ka taraynin in laga wada tashado oo mar walba la iskaga yimaado maxaa ina hortaagan, sidaynu wax u qabanaa, maxaynu samaynaa, arintani socon waydaye maxaynu ku daynaa, sidii la yidhi ‘colka wadhaf ma lagu dayey’ ayaa joogta. oo kulanka (coordinating meeting-ka) la isugu yimaado waxa lagaga hadlaa waxan ayaa soo kordhay iyo sidii aynu waxan aynu ka wakiilka nahay iyo dhibaatada ay leedahay, waxa ka daran dafiraada ay dadkii diidayaan in dhibaatada la wajaho mooyaan, markaa dhibaatooyin badan ayaa iska jira, waxaan si gaar ah u xusayaa NAFIS 2006-kii ayaa la aasaasay dhawr urur baa ku bilaabmay markii dambe ayay iska soo kor korodhay. Waxa dadkii jiritaankeeda kaalinta ka qaatay waxaan ugu horaysiinayaan ururka Memberkana ka ah Candalight oo ku dhix jiray markii ay mishkiladii arkeen baahibaana tidhi iyo shakhsiyaadkii isku taxaluujiyey oo runtii nagu taxaluujiyey oo halkii ay soo gaadhsiiyeen anaguna aanu qorigii ka qaadanay. Labaatan urur ayaa ku bahoobay NAFIS oo ay ka kooban tahay”.
Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiirka Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil (Bandare) waxaanay tidhi “Runtii marka aynu maanta halkan joogno ee aynu ka hadlayno gudniinka Khaanad kale ayaa ii furanta, khaanadaasi waxa iiga soo gala hawo iyo laydh, mar alaale iyo marka aan arko meel lagu falanqaynaayo laydh baa i marta, sababtoo ah waa mawduuc (issue) anaga nagu dheer hadaanu haweenka nahay, waliba haweenka NAGAAD iyo in alaale iyo inta nagala shaqaysa ee bahda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee nagala shaqeeya marka aanu ka shaqaynayno runtii laydh qabow ayaa na marta.
Halkan waxa aan aad ugu mahad celinayaa guddida NAFIS iyo shaqaalaha NAFIS oo runtii sida hagar la’aanta ah uga shaqeeya oo aad moodo maanta Somaliland oo dhan in meel kasta ay soo taabteen, dee markaa jirtay aynu ka baqaynay in gudniinka aynu ka hadalno ama dadka inaynu su’aalo waydiino ku saabsan waliba dumarka iyo dhibaatada gudniinku uu ku hayo dumarka iyo hablaha yaryarba 1999-kii ayaan garanayaa maalin aan ku idhi Ugaaso Jaamac, Ugaasoy si qaawan baad dadka wax u waydiisa ee ka daa waa 1999-kii, boqol wax oo kale aynu ugu soo marmarsoono oo ah naaska ma siisaa, sidan ma yeeshan kan kale ma yeeshaa, marka dambena gudniinkii aynu doonaynay aynu ka hadalno, laakiin dadka ha odhan gudniinka sidaasaa la inoo wada eegayaa, maantana ilaahay baa mahad leh oo aad arko oo ay xildhibaanadii inala fadhiyaan iska daa cid kaloo, hay’adihii tii ugu saraysay oo aynu islahayn waxbay idinka caawinayaan ayaa inala fadhiya, saxaafadana runtii had iyo jeer waxa ay ka qaataan miisaan waynbay ka qaataan, mida kaliya ee aan anigu odhanayo ee aan uga baxayo waxa weeyaan, waa dariiq dheer dariiq dheer baa inaga horeeya”.
Waxa kale iyaduna halkaasi ka hadashay Gudoomiyaha ururka Kalkaaliyeyaasha Somaliland, Foosiya Maxamed Ismaaciil “Arinkan aynu maanta halkan u fadhino ee ay qabato NAFIS waa arin hawlban oo u baahan dedaal badan oo aynu wax ka badalno, anagu hadii aanu nahay Nursing Association-ka waanu la qabnaa NAFIS in gudniinku nooc uu yahayba inaan la aqbalin, waxaan xasuustaa barigii wacyigalinta gudniinka lagga bilaabay xamar bari-fog bay ahayd waxay inagu qaadatay afartan sanadood inaynu Fircooni ka hadalno, dadkiina yidhaahdaan fircoonigii baanu fahamnayi, yay inagu qaadanin afartan sanadood oo kale hadana inaynu sune ka hadalno waxa fiican inaynu wada joojino, waayo sunihii qudhiisa markaynu is-dul taagno wax uu soo kordhinayaa ma jirto.
Xubintan ilaahay sidii ugu fiicnayd ayuu u sameeyey, bini’aadamkana sidii ugu fiicnayd ayuu u sameeyey markaa in aynu inaguna farafarayno maaha”. Ayay tidhi Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil.
Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan, kaas oo sheegay in meesha ciladu tahay in la abaaro oo dalada NAFIS abaarto cidaasina waa hooyooyinka oo u baahan in aqoontooda kor loo qaado oo laga wacyigaliyo dhibaatan sidii ay u joojin lahaayeen.
Waxa kale oo iyaduna madashaasi ka hadashay gudoomiyaha ururka NAGAAD marwo Nafiisa waxaanay ku baaqday in gabi’ahaanba la joojiyo isticmaalka erayga xalaalayn, si hooyada miyiga joogtaa marka ay maqasho aanay gabdhaheeda u gudin.
Hoggankii hore ee hoggaaminta talada NAFIS dib loogu celiyay oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah:
Aamina Haaji Maxamuud Warsame (Aamina Milgo)
Canab Axmed Faarax
Caasha Cabdi Axmed
Jawaahir Cabdi Cabadle
Cabdillaahi Xasan Digaale
Ifraax Cumar Xasan