Shirweynaha Kulmiye Oo Saaka Ka Furmaya Hargeysa, Xilli Aan Xal Laga Gaadhin Tabashada Siyaasiyiinta Cadhada Kaga Maqnaanaya

0
557

Hargeysa (Geeska) – Axadda Maanta oo ku beegan 04.10.2020 ayaa waxa Huteelka Maansoor ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka furmaya shir-weynaha 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Shirweynaha Afraad oo muddo qaban-qaabadiisu socotay ayaa waxa lagu wadaa inay ka soo qayb-galaan Ergooyin ka badan 1200 Qof, kuwaasi oo kala imanaya Dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

Sida sharciga Xisbiga Kulmiye dhigayo, Shirweynaha ayaa lagu soo doortaa Hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, sida Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad, laakiin sida qorshuhu yahay wax isbeddel ah ma keeni doono shirweynaha 4-aad ee Kulmiye Maanta Hargeysa uga furmayaa, marka laga yimaaddo Kursiga 4-aad ee Hoggaanka Xisbigaasi oo uu Madaxweyne ku-xigeenku uga tanaasulay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga  Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), laakiin dhammaan xubanaha kale ee hoggaanka ayaa kuraastooda ku sii fadhiyi doona 4-ta sanadood ee soo socota, maaddaama oo aanay jirin Cid kula tartamaysaa.

Shirweynahan ayaanay wax Xamaasad ahi gudihiisa ka dhici doonin, maaddaama oo aan lagu tartamayn kuraasta kala sarreeya ee Hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

Shirweynaha ayaa waxaan ka qayb-geli doonin siyaasiyiin Miisaan dhexdiisa ku lahaa, kuwaasi ay ka mid yihiin Aasaasaha Xisbigaasi Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo qoyskiisa, inkasta oo la sheegay in shirweynaha 4-aad laga akhriyi doono khudbad qoran oo uu Dalka Imaaraadka uga soo dhiibayo Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Waxa kale oo aan Shirweynaha ka maqnaan doona Siyaasiyiinta uu ka mid yahay Maxamuud Xaashi  Cabdi, kaasi oo hore u sheegay inuu Musharrax u yahay Kursiga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, laakiin Maxamuud Xaashi wuxuu dhawaan ku dhawaaqay inaanu xaadiri doonin Shirweynaha Kulmiye oo uu sheegay inuu yahay mid u afduuban Madaxweyne Biixi, kaasi oo uu sidoo kale ku eedeeyay inuu ka baxay ballan siyaasadeed oo ahayd in marka uu xilka Madaxweynaha la wareego isaguna iska wareejiyo Guddoomiye-nimada Xisbigaas.

Sidaasi oo kale, waxa shirka ka maqnaan doona Siyaasiga Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo isaguna shirweynaha uga maqnaanaya in loo diiday inuu u tartamo kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbiga Kulmiye.

Laakiin, lama maqal cid Madaxda Xukuumadda ama Hoggaanka Kulmiye ka mid ah oo isku dayday inay furdaamiso khilaafaadkaasi oo u gudbay in Taageerayaasha Xisbigu la kala saftaan Madaxda Xisbiga iyo siyaasiyiinta cadhada kaga maqan.