Shirkii Ingiriiska Oo Qarka U Saaran Inuu Fashilmo, Puntland Oo Qaadacday Inay Ka Qayb Gasho Iyo Go’aankii Somaliland Oo Lagu Sifeeyay Waqcad Britain Soo Gaadhay

0
3693

 

Picture8Hargeysa(Geeska)-Shirkii ay dawladda Ingiriisku toddobaadkan u qabanaysay dawladda Somaliya, ayaa u muuqda inuu halis ku jiro, waxaana soo waajahay dhawr caqabadood oo aanay dawladda Ingiriisku qorshaha ku darsan.

Shirkan oo furmaya 7-da bishan May, ayaa waxa hore u qaadacday dawldda Somaliland oo sheegtay inaanay danta Somaliland ku jirin ka qayb galkiisa. Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa warbixin uu shirkaas shalay ka qoray wuxuu qaadacadda Somaliland ku tilmaamay dib u dhac soo waajahay dawladda Ingiriiska.

Hase yeeshe ka sokow qaadacaadda Somaliland ee shirkaas, maamul goboleedka Puntland ee dalka Somaliya ayaa isna shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inaanu ka qayb galayn. Qoraal ay dawladda Puntland shalay soo saartay ayay ku cadaysay mawqifkeeda shirkaas, “Puntland dhinacna kamay helin wax martiqaad ah, marka ay sidaas tahayna Puntland uma dirayso shirkaas London wax wefti ah oo ka qayb gala. Puntland waxa ay aragtideeda shirka London ugu gudbin doontaa qoraal.” Sidaas ayay dawladda Puntland ku qaadacday shirkaas ay dawladda Ingiriisku abaabulayso, waxaanu go’aankan Puntland  soo baxay iyadoo ay maalmo yari ka hadhsanyihiin shirkaas London. Geesta kale, wuxuu go’aankan Puntland fadeexad ku yahay danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Somalida Mr. Matt Baugh, oo laba maalmood ka hor go’aanka Puntland; sheegay in la martiqaaday maamulkaas. “Haa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo casuumay Puntland.” Hadalkan waxa ku jawaabay Danjire Matt Baugh oo Arbacadii boggiisa twitterka lagu weydiinayay su’aalo ku saabsan shirkan ay dawladiisu qabanayso.

Si kastaba ha ahaate, shirka ay dawladda Ingiriisku mudada sannadka ah qorshaynaysay wuxuu u muuqdaa inuu ku soo ururi doono kulan dhex mara dawladda Ingiriiska iyo dawladda Somaliya, mar haddii ay ka maqanyihiin shirkaas dhinacyo ka qaybgalkoodu uu guul shirka u ahaa. Waxaanay taasi dhaawici doontaa sumcadda ay dawladda Ingiriisku dunida ku leedahay, maadaama oo ay awoodi weyday inay dhinacyada shirka qaadacay ku qanciso ka qayb galkiisa. Si kastaba ha ahaate, waxa la arki doonaa natiijada ka soo baxda shirkaas iyo qaabka uu u qabsoomo toddobaadkan.