Shirkii Beelaha Arab Oo La Mudeeyay Wakhtiga La Qabanayo Iyo Goobta Uu Ka Furmayo

0
581

shirHargeysa (Geeska) – Guddida qaban-qaabada shirka beelaha Arab  ayaa xalay shaaca ka qaaday in uu qabsoomi doono Bisha June ee fooda inagu soo haysa 10-keeda.

Guddoomiyaha Gudida qabanqaabada ee shirkaasi Md. Maxamuud Xuseen Xirsi, oo ka dhici doona Magaaladda Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd ayaa aad u ammaanay qaybaha kala duwan ee Beesha Arab, kuwaas oo uu sheegay in ay guntiga dhiisha iskaga dhigeen sidii ay qabsan lahaayeen shir ay arrimahooda iyo aayahooda kaga tashadaan

Munaasibad ay sameeyeen shaacinta shirkan ayaa waxa lagu qabtay Hoteel Hadhwanaag ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu ku adkeeyay dhamaanba qaybaha kala duwan ee ay beeshaasi ka kooban tahay in ay ka soo qayb galaan shirkaasi oo ku beegan wakhti munaasib ah.

Waxaana hadaladii Guddoomiyaha Gudidda qaban-qaabada shirka beesha Gobolka Hawd ka mid ahaa “Sida Madasha idiinka muuqata Haweenkii Beesha kumaanaan soo casuumin madasha, taas macnaheedu maaha in haweenkii beeshan laga maarmay, waxa aad ogtihiin hawlaha shirarka iyo isku imaadyada quruxdeedu in ay tahay haweenka uguna shaqo badan yihiin. Sidaas darted kulankooda dib ayaan u dhignay yaan loo qadaan in laga maarmay Haweenka Beesha.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Haddii aan dib ugu yara noqdo warbixin yar oo kooban ee shirka af-garad waxa uu ka soo bilaabmay  qurbaha, waxaana dhawr jeer oo hore lagu qabtay dalka dibadiisa, kaas oo ay qabteen qurbe jooga beeshu, go’aankii shirkii u dambeeyay waxa uu ahaa in shir loo wada dhan yahay gudo iyo dibadba lagu qabto dalka gudihiisa, kaas oo soo gabogabeynaya waayaha beesha sida Horumarinta,, arrimaha bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waayaha beesha ee dhinac walba intaasi ka dib waxaa la magacaabay gudi qaban-qaabo taariikhdu markay ahayd 24.09.2013.”

Fadhigii ugu horeeyay waxa lagu beegmay wakhtigii loo diyaar garoobay Xajk ka dibna dib u dhac ayaa ku dhacay is aragii xubnaha gudida Muddo dheer ka dib waxaa dib loo soo amba qaaday hawshii iyo dhaqaajintii shirka iyada oo lala xidhiidhinayo gudiyadii hore ee qurbe jooga talana la isweydaarsanayo intaa ka dib waxaa la doortay gudi fulineed loona xil saaray hawlihii shirka sida.

1.      Goobta

2.      Wakhtiga

3.      Tirada ergada

4.      Kharashka

5.      Mudada shirka

6.      Agendaha shirka

Iyo baahiyaha shirka mudada uu soconayo intaas ka dib gudidu waxa ay u ambo baxday sahankii deegaanka beesha si loo sahamiyo goobta shirka.

Sahanka dabadii waxa arrinku noqday goorta shirka ugu haboon ee la qaban karo.

Talo badan iyo wada tashiyo dhinac dhinacyo badn oo la eegayo haleelka qurba jooga, cimilada goobta, maadaama dadka guduhu ay xog-ogaal yihiin oo ay xaalada ka war hayaan waxaan xooga saarnay qurbe jooga iyo wakhtiga ay ku iman karaan anagoo eegayna si fasaxoodu ugu beegmo wakhtiga shirku qabsoomayo.”

Ugu dambayn wuxuu yidhi “Hadaba ku dhawaaqida aanu maanta ku dhawaaqayno wakhtiga shirka la qabanyo in qurbe joogu codsigooda fasaxa hore u gudbistaan, cimilada deegaankuna wakhtigaasi ay qurux badan tahay sidii aan ilaahay uga baranay. Sidaasi darteed shirkan oo ah mid ay beeshu muddo dheer sugaysay in la wada tashado Bari ilaa Galbeed, waxaanu maanta oo ay taariikhdu tahay 11.03.2014 si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa in shirka beelaha Arab qabsoomi doono 10.06.2014 kuna beegan bisha Shabcaan 12-da maalin salaasa ah, kuna qabsoomi doono Magaalo Madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle hadii alle idmo.”

Magacyada Gudida

1 Maxamuud Xuseen Xirsi ……          Guddoomiye

2- Jaamac Koosaar Axmed                 Guddoomiye Ku Xigeen

3- Eng. Maxamed Cabdi Xuseen         Xoghaye

4- Cabdirisaaq Maxamed Xarbi            Afhayeen

5- Xasan Daahir Xirsi                           Xoghayaha Dhaqaalaha

6- Cabdilaahi Cabdi Dalmar                  Wacyigelinta

7- Eng. Maxamed Cabdilaahi Shaqale   Xubin

8- Axmed Ibraahim Caydiid                   Xubin

9- Cabdikhaaliq Sheekh Axmed            Xubin

10- Cabdiraxmaan Muxumed Caraale    Xubin

11- Ibraahim Maxamuud Axmed            Xubin

12- Mawliid Muxumed Axmed               Xubin

13- Cabdilaahi Ibraahim Cilmi              Xubin

14- Maxamed Caydiid Muxumed          Xubin