Shirkadda SOMTEL Oo Shalay Soo Bandhigtay Adeeg Cusub

0
738

 

somtelHargaysa (Geeska) Shirkada isgaadhsiinta ee SOMTEL ayaa xarunteeda ku qabatay xaflad lagu soo bandhigtay adeega 3G oo ah adeeg xawaarahiisa Internet-ku uu aad u dheeraynayo, isla markaana loo isticmaali karo noocyo badan sida dhaqaalaha, caafimaadka, iyo waxbarashada. Adeegan ayaa ah mid si wayn wax uga tari kara baahiyaha ay bulshada Somaliland u qabto Internet xawaarihiisu sareeyo.

Ugu horayn waxa xaflada ka hadlay Cawil Saalax Cabdi oo ah madaxa hawgalda shirkada SOMTEL, waxaanu ka warbixiyey adeegyada ay shirkadu bixiso iyo adeegan ay maanta bulshada u soo bandhigeen ee 3G-ga, waxaanu  hadalkiisa ku bilaaby “Adeega ay bixiso shirkada SOMTEL oo aan runtii ku cusbayn bulshadan ayaan rabaa in aan la socodsiino halka uu maraayo adeega ay shirkadu bixiso. Odhan mayo adeega 3G wuu ku cusubyahay shirkada SOMTEL, lakiin waa mid ay bixinaysay ilaa bishii labaad.  Adeegani wuu shaqaynayay si uu u shaqanayayba,  shirkaduna waxay samaynayasay baadhitaan iyada oo hubinaysa kana gun gaadhaysa tayada uu yeelan karo adeegani marka uu bulshada gaadho. Adeegan waanu tijaabinay waxaana loo isticmaali karayaa dhinacyo badan sida dhaqaalha, caafimaadka, waxbarashada iyo arimaha deegaanka. Waxa jirta hal hays ay shirkadu isticmaasho oo ah “uma soo bandhigno adeegyada inaanu macaamisha u soo bandhigno waxan qaban karno iyo sidan u qabano” adeegana waa mid aanu ka aragnay baahida bulshada”

Cawil Saalax isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ydhi “SOMTEL horta waa shirkadii ugu horaysay ee soo bandhigta ama bixisa adeegyada 3G wado kasto waad ku arki kartaa, waana adeeg ay caan ku tahay shirkadu. Shirkadu waxay keentaa inta badan adeegyada casriga ah waanad arkaysaa oo waa farsamo xadhig la’aan ah (wireless) inta badan adeegyadeedu. Adeegan 3G-na waxa uu wax ku darayaa tayada xawaaraha, dadkuna way ka daalaan inta badan adeegyada jira maadaama oo ganacsigu baladhanayo, markaas waa in horumarka isgaadhsiintuna la socdaan. Adeegana waxa aad ka isticmaali kartaa tuulooyinka, buuraha iyo meelkasta oo aad u baahantahay. Adeegana waa mid gaadhay guud ahaan Somaliland. Dhinaca kale waxaa jira adeegyo aanu bulshada u qabano oo waxa kamida adeega la yidhaahdo badbaado, waxaanu u diyaarinay oo uu imikna ka shaqeeyaa saldhigyada booliiska ee magaalda Hargaysa, haday dhibi dhacdo habeenkii saqda dhexe waxa aad garaaci kartaa 999 adeeganina waa mid ka jira dunida.”

Ugu danbayntii waxa xafladaas lagu soo bandhigay qaabka loo ageegsan karo adeega 3G, iyada oo lagu tijaabiyey qaar ka mida shaqaalaha shirkada oo u soo bandhigay qaab maqal iyo muuqaal ah.