Ergadii SSC Uga Qayb Gashay Shirkii Widhwidh Oo Lagu Soo Dhaweeyay Burco

0
665

 

 

5555555555Burco(Geeska)-Waxa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee gobalka Togdheer wefti ka socda ergadii maleeshiyaadka SSC uga qayb gashay shirkii nabadeed ee lagu qabtay Widhwidh.

Weftigan oo uu hoggaaminanayo Guddoomiyaha golaha khusuusiga ee SSC Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil, waxa ka mid ah cuqaal, odayaal iyo Kayse Cabdi Yuusuf oo ah masuulkii bilaabay aqbalaadda gogoshii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay.

Madaxa weftigan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in safarkoodu daba socdo masxuulka ka soo baxay shirkii nabadeed ee lagu qabtay Widhwidh una socdaan dhinaca caasimadda Hargeysa.