Shirkadda SOM Petroleum Oo Beenisay Warar Lid Ku Ah Sumcaddeeda Oo Warbaahinta La Mariyey

0
485

Hargeysa (Geeska) – Shirkadda SOM Petroleum ayaa iska difaacday hadallo ay sheegtay in Sumcaddeeda wax lagu yeelanayey oo Warbaahinta la mariyey Toddobaadkan.

War-saxaafadeed Shalay ka soo baxay Shirkadda SOM Petroleum oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in aanay jirin Hanti laga dhacay shirkaddii TOTAL ee hore u maamuli jirtay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera isla-markaana lagu qarsaday SOM Petroleum.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Maamulka Shirkadda SOM Petroleum, Ismaaciil Maxamed Xirsi ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Shirkadda SOM Petroleum ayaa Toddobaadkan siyaalo kala duwan Warbaahinta Magaceedu uga soo muuqday, sidaasi darteed waxa lagama maarmaan noqotay in Shirkadda SOM Petroleum ay jawaab ka bixiso eedayn uga timid nin Maalin dhawayd Warbaahinta la hadlay oo shirkadda eedeeyay. Shirkaddu waxay Ummadda u caddaynaysaa in aanay jirin Hanti laga dhacay Shirkaddii shidaalka ee Total oo lagu qarsaday Shirkadda SOM Petroleum ama Saami lagaga noqday.

Shirkaddu waxay caddaynaysaa in aanay jirin wax sed-bursiin ah oo loo siiyey Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera, balse ay kala sinayd Shirkadihii xilligaa Gacanta ku hayey Maamulka Haamaha kaydka shidaalka Berbera, iyada oo ay xusid mudan tahay in shirkadaha shidaalku Maalgelin ballaadhan ku sameeyeen Kaydka Shidaalka Berbera muddadii ay gacanta ku hayeen.

Shirkaddu waxay Ummadda u caddaynaysaa in guud ahaan shirkadaha shidaalka ee dalku keenaan shidaal Tayadiisu sarrayso oo waafaqsan Shuruucda dejinta shidaalka (Handling Agreemant) isla-markaana uu hubiyo shaybaadhka Haamaha Shidaalku.

Sidoo kale, Shirkadda SOM Petroleum waxay caddaynaysaa inay ka Madax-bannaan tahay guud ahaan siyaasadda iyo ka qayb noqoshada Axsaabta Qaranka.

Shirkadda SOM Petroleum waxay diyaar u tahay inay raacdo oo ay fuliso dhammaan Hab-raacyada xeerarka Ganacsi ee Somaliland.

Waxa kale oo ay Shirkadda SOM Petroleum qayb ka tahay Shaqo-abuurka dalka, Kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha Bulshada.

Ugu dambayn, Shirkadda SOM Petroleum waxay sharciga la tiigsan doontaa Cid kasta oo ku xad-gudubta Sumcaddeeda iyo Ganacsigeedaba.”