“Haddii Aynu Nahay Muslim Waa Inaynu Nabigeena U Hiilina, Oo Aynu Difaacnaa”

0
448

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay sharafta, maamuska, karaamada iyo qiimaha uu Nebi Muxamed leeyahay (CSW), waxaanu xusay in guud ahaan Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan looga baahan yahay inay Nabigooda difaacan, una hiiliyaan.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay sida uu ALLE u shafray Nebi Muxamed ayaa yidhi “Nebi Muxamed nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate, arlada iyo sawaadkaba waa laga maamusay, Nebi Muxamed ILLAAHAY ayaa magaciisa ku lamanaayey, wuxuuna ALLE kaga hadlay quraankiisa kariimka ah, tusaale ahaan Surada Duxa, wuxuu ALLE ku sheegay inuu Nebi Muxamed la fadilay, Surada Nuur wuxuu ALLE ku sheegay inuu Nebi Muxamed u abuuray sida ugu fiican, dabeecad ahaan iyo akhlaaq ahaanba, Surada Axsaab wuxuu ALLE Ku sheegay Aayada Lixaad in ooriyihii Nabigeena ILLAAHAY raali ha ka noqdee inay yihiin hooyooyinkeen, Nebi Muxamedna fadligiisa dartii inaynu nafaheena ka horeeysiino, wuxuu ALLE quraankiisa ku sheegay inuu Nebi Muxamed yahay Rasuulkii ILLAAHAY, markaas Nebi Muxamed waa qofka ugu sharafta iyo qiimaha badan basharka uu ALLE abuuray”.

Mar uu ka hadlaayey waxaa la gudboon guud ahaan Muslimiinta ayuu yidhi “Nebi Muxamed iin ama ceeb ma leh, waa  Nebi maamus leh, waa Nebi karaamo leh, waa qofka Adduunka ugu khayr badan, cid kasta oo wax ka sheegtana ciqaab ALLE ayey la kulmaysaa, ee sida ay hadda Cajabtu ugu hiilinayso waxaad mooddaa in aanay Carabi ugu hiilinayn, oo ay ka yara gaabisay, ee Cajab iyo Carabba meel kasta oo ay joogaan, waxaa looga baahan yahay inay Nebiga u hiiliyaan, sidaas awgeed haddii aynu nahay Muslim waa inaynu nabigeena u hiilinaa, oo ayn u difaacnaa, waa inaynu Nebigeena digriisa iyo amaantiisa badinaa, cid kasta oo wax ka sheegtana meel xun iyo halaag baa u dambaysa”