Shirkadda SAGALJET Oo U Dabaal-degtay Sannad Guuradeedii 10aad

0
555

Hargeysa (Geeska )- Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGALJET, ayaa u dabbaaldegtay sannad-guuradadeeda 10-aad ee ka soo wareegta aasaaskeeda, waxana munaasibadda dabbaaldegga lagu qabtay Hoolka Green plaza ee magaalada Hargeysa.

15936987_1189221647852176_731084041702312780_o(1)

Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyey dabbaaldegga sannad-guurada tobnaad ee aasaaska shirkadda SAGALJET oo lagu qabtay hoolka shirarka Green Plaza ee Hargeysa xalay, waxa ka qaybgalay Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, qoraayo, ganacsato, hoggaanka iyo shaqaalaha shirkadda, aqoonyahan iyo boqolaal dadweyne marti sharaf ahaa.

Shakhsiyaad magac iyo maamuus ku dhex leh bulshada oo ka hadlay munaasibadda sannadguurada 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska shirkadda SAGALJET, ayaa isku raacay inay shirkaddu guulo badan gaadhay, isla markaana jeexday jid guul horseeday oo ku dayasho mudan.

Ugu horrayn la-taliyaha khaaska ah ee shirkadda SAGALJET Md. Cabdiraxmaan Cali Xirsi, ayaa tilmaamay dariiqa guusha ah ee shirkaddu kaga mudhay ganacsiga, waxaannu xusay in talooyin dhaxalgal ah oo ay isweydaarsadeen isaga iyo hoggaanka shirkaddu udub-dhexaad u yihiin guulaha la gaadhay, isla markaana qorsheyaal iyo istaraatiijiyado wax ku ool ah oo la jeexay la raaco.

Guddoomiyaha shirkaddda SAGALJET Md. Cabdi Yuusuf Aar, ayaa isaguna shaaca ka qaaday inay kaalin weyn ka qaateen doorka shaqo-abuurka dalka iyo weliba kor-u-qaadista bilicda magaalooyinka oo ay ku xidheen boodhadh iftiimiya oo indhuhu qabanayaan, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa ugu weyn ee aanu qabanay ee aanu ku faani karnaa waa shaqo-abuur, maadaama dalkeena dhibta ugu weyn ee laga cawdaa tahay shaqo la’aan, dhallinyaradii dalku marka ay jaamacadaha kasoo baxaan sida ay shaqo ku helaan way adag tahay, laakiin shirkaddii aannu toban sanno ka hor  ku bilownay shaqaalaha kooban oo tiradoodu ka yarayd tobanka qof, maanta waxa Ilaahay mahadii ah inay ka shaqeeyaan shaqaale ku dhaw 200 qof oo ka kala socda gobollada Somaliland oo dhan, waxa kale oo noo qabsoomay adeegga daabacaadda oo aan hore u jiri jirin gaadhsiinay dalka oo dhan oo toban sanno ka hor xildhibaanadii sharraxnaa wax loogu soo daabaci jiray waddamada dibadda.”

Waxa kaloo uu sharraxay waxyaabaha horseedka ah guulaha muuqda ee shirkadda SAGALJET gaadhay, isagoo farta ku fiiqay kalsoonida ka dhex jirta saamileyda shirkadda iyo kartida shaqaaluhu kow ka yihiin, “Dadka saamileyda ah ee shirkadda SAGALJET lihi waxay ku dadaaleen oo ay muujiyeen isku kalsonaan, isla xisaabtan iyo inay si sharci ah wax u kala qortaan, waxaana ay taasi keentay in tobankaa sanno ee ay jirtay aannu hal mar dhexdooda wax muran ahi dhicin, shaqaalaha shirkadduna waa laf-dhabarta horumarka shirkadda oo aanay la’aantood wax badani hirgaleen, maadaama oo ay si hufan macaamiisha u siinayeen adeeg hufan oo wanaagsan, sidoo kale macaamiisha oo aannu u arkaynay saaxiibka kowaad ee shirkadda oo aannu ku faro adaygnay, ayaa qayb weyn ka ah horumarka shirkadda,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Yuusuf.

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo kamid ah qoraayada ugu caansan geyiga ee buugaagtiisa ay shirkadda SAGALJET daabacday oo madasha ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay shirkadda, waxana uu shaaciyey inay dabooleen dhibaatadii qoraayada haysatay.

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (cawil), kana mid ah bahda qoraalka ku hawllan, ayaa isaguna ka mahadnaqay doorka daabacadeed ee shirkadda SAGALJET kusoo kordhisay dalka, waxana uu farta ku fiiqay in buug uu dhawaan qoray oo ay shirkaddu daabacday uu la dhacay hannaankii hufnaa ee ay u daabacday, isaga oo caddeeyey in adeegga daabacadeed ee SAGALJET ka hufan yahay midka dibadaha loo aado.

Guddoomiyaha shirkadda TELESOM, Md. Cabdikarim Maxamed Iid, Madaxa suuq-geynta ee shirkadda SOMCABLE, Md. Xamse Gaax-nuug, Madaxa E-dahab Md. Fu’aad Axmed Nuux iyo Xasan Xiis oo magaca shirkadda Dahabshiil ku hadlayyey oo iyaguna dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa shirkadda SAGALJET uga mahadnaqay doorka firfircoon ee dhinaca daabacaadda dalka ay ka qaadatay iyo weliba sida ay u qurxisay bilicdii magaalada, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay yihiin macaamiil ku qanacsan adeegga shirkaddu bixiso.

Amaal Xaaji Axmed Miisaan oo afka macaamiisha ku hadashay, ayaa iyaduna ku dheeraatay sida qiimaha leh ee ay shirkadda SAGALJET muhiimadda usiiso qancinta macaamiisheeda iyo soo dhaweyntoodaba, waxana ay sheegtay in hab-dhaqankoodu suurtogeliyey   horumar la taaban karo sameeyaan.

Hiigsiga iyo hiraalka fog ee shirkadda SAGALJET, ayuu guddoomiye Cabdi Yuusuf Aar sheegay inay shaqo-abuurka dhallinyaradu kaalmaha hore ugaga jirto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Hiigsigayagu waa inaanu inta imika joogta iyo in ka badanba shaqo u abuurno oo aanu soo kordhino waxyaabaha ugu casrisan ee dhinaca daabacaadda oo aanu baahida dibadda ee daabacaadda oo dhan daboolno oo aanu gaadhsiino degmo kasta oo dalka kamid ah.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murraxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, “SAGALJET waxan ugu mahadnaqayaa inay buugaag badan qoreen oo ay qaranka taariikhdiisa iyo aqoontiisaba wax ka tareen, maadaama oo ay qoraalkii inoo kaydiyeen, waxa kale oo aan ku hambalyeynayaa inay tahay shirkad dhallinyaro abuurtay oo firfircooni badani ka muuqato, waxana aan u rajaynayaa horumar iyo guul waarta”

Guddoomiye-yaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI Md. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro) oo iyaguna halkaas hadallo kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey horumarka shirkadda SAGALJET, waxana ay sheegeen in kartida iyo aqoonta ka muuqata guddoonka shirkaddu horseedayo inay muddo kooban ku gaadho horumar ballaadhan oo dalka oo dhan laga dareemayo.

Munaasibadda sanad-guurada 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii shirkadda SAGALJET waxa soo af-meeray wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Cumar Shucayb, waxana uu shirkadda ku hambalyeeyey horumarka ay samaysay iyo sida hufan ee ay macaamiisheeda ugu adeegto.

Ugu dambayntii waxa abaalmarin iyo weliba shahaado-sharaf la guddoonsiiyey Saleebaan Axmed Cabdilaahi oo isaga loo gartay inuu yahay shakhsigii ugu firfircoonaa, uguna hawlkarnsanaa shaqaalaha shirkadda SAGALJET, waxana dadkii munaasibadda ku sugnaa tallaabadaas u arkayeen mid kaalin weyn ka qaadan karta dhiirrigelinta shaqaalaha Shirkadda.