Shirkadda SAGAL JET oo Daah-furtay Buugga Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed Ee Cawil

0
915

Hargeysa ( Geeska)- Shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET, ayaa si rasmi ah magaalada Hargeysa ugu soo bandhigtay buugga la magac baxay Raad-raaca Taariikhda Soomaaliyeed oo uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

1

Xaflad ballaadhan oo gardaadinta diiwaanka cusub ee Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed loogu qabtay huteellka Maansoor ee magaalada Hargeysa habeen hore, kana qaybgaleen masuuliyiin badan oo isugu jira madaxda axsaabta siyaasadda, wasiirro, siyaasiyiin, abwaanno, qoraayo, aqoonyahanno, bahda dhallinyarada ee akhriska iyo qoraalka ku foogan iyo boqolaal dadweyne ah, waxa si mug leh loogaga sheekeeyey nuxurka iyo mucda buuggani xambaarsan yahay, iyadoo xiisaha da’yarta iyo waayeelku u hayaan buugani ay madasha si weyn uga muuqatay.

Diiwaanka uu qoray Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ahaa mid si weyn loo xiisaynayey, kaas oo ay daabacday shirkadda adeegyada casriga ah ee SAGAL JET oo ahmiyad weyn siisay sidii ay akhristayaasha ula wadaagi lahayd buuggan, ayaa si wayn loogu iibsaday madashaasi lagu soo bandhigay, iyadoo inta badan dadkii goobta yimi buuggaas qaateen, maadaama xiisaha buugga loo qabay aad u sarreeyey, sidoo kalnea qiimihiisa aad naasil looga dhigay.

Madaxa Suuq-geynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda SAGAL JET Mr. Sacad Cabdi Daahir oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday qiimaha uu buuggani leeyahay iyo waliba sida da’yarta maanta looga baahanyahay inay doorkooda horumarinta dalkooda gartaan, “Buuggani waa buug qiimo weyn leh oo aynu wax badan ka faa’iidayno, waana  farriin dhallinyada ku socota si ay u ogaadaan wixii dalkan loo soo maray, dhallinyaroow Cawil iyo raggii la midka ahaa waxa halganka galeen oo naftooda hureen iyaga oo da’deena ah, maanta inaynu dalkeena ka tahriibnaa iyagana calool-xumo ayey ku tahay innagana waa inagu ceeb,” ayuu yidhi Sacad Sacad Cabdi Daahir.

Sacad oo hadalkiisa sii wata, ayaa bulshada u iftiimiyey dedaalka shirkadda SAGAL JET eek u aaddan dhinaca daabacaadda, waxaannu yidhi, “Shirkadda SAGAL JET waxay u taagan tahay gaadhsiinta bulshada qoraallada muhiimka ah iyo daabacaadda wax kasta oo bulshada faa’iido u leh, waxanay meesha ka saartay dhibkii dadku ku qabeen daabacaadda qoraallada muhiimka ah ee ay gacanta ku hayaan.”

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo isaguna buugga soo akhriyey, ayaa  bulshadii madasha ku sugnayd la wadaagay macluumaad dhegahooda dhif iyo naadir ku ahaa oo buuggan ku jira, isagoo dul is-taagay dhacdooyin xiiso badan oo buuggan ku duugan, kuwaas oo keenay in bulshadu si weyn iibsadaan buugga.

Madaxa xarunta dhaqanka ee Redsea Cultural Mr. Jaamac Muuse Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa isaguna sharraxaad kooban ka bixiyey sida diiwaanka uu allifay ambassador Cawil ee lagu magacaabo Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed uu kor ugu qaadayo aqoonta da’yarta, isla markaana maskaxdooda u korinayo, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqay shirkadda buuggan daabacday ee SAGAL JET.

Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Dr. Siciid Axmed Xasan, ayaa ku dheeraaday maclmuudka uu diiwaankani xambaarsan yahay, isagoo xusay inta badan waxyaabaha buugga ku qoran yihiin qaar uu goob-joog u ahaa qoruhu oo si lexejeclo ku jirto ula jeclaaday da’yarta maanta ee intii aan dhacdooyinkaas maqliniba inay maanta wax ka korodhsadaan.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa isna sharraxaad ka bixiyey faa’iidooyinka ku jira buuggan, waxaana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Buuggan dalka oo dhan baa laga xiisaynayaa, waxaan aan arkay madaxweynaha Somaliland oo hore loogu keenay oo dhawr jeer si weyn u akhriyaya, sababtuna wax kale maaha ee buuggani waxa uu xambaarsan yahay taariikh mug leh.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa ku bogaadiyey qoraaga buuggan oo ah Ambassador Cawil Cali Ducaale inuu taariikh ballaadhan oo loo baahnaa u soo bandhigo dadka, isagoo sidoo kalena mahadnaqiisa ku daray shirkadda buugan daabacday ee SAGAL JET, waxaannu uu yidhi, “Ambassador Xuseen Cali Ducaale waa diblomaasi ruug caddaa ah oo buugaag horena qoray, waa siyaasi waana uga mahadnaqaynaa in wax aynu u baahnayn waqti aynu baahnayn inoo keenay aad iyo aadna waan ugu mahadnaqayaa, cikasta oo gacan-ku-siisay oo ay SAGAL JET ugu horraysana waan u mahadnaqayaa.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna Ambassador Cawil oo ah qoraaga buugga Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed si mug leh taariikho ay isla soo mareen uga sheekeeyey, “Cawil in badan baan kulanay oo wada fadhiisanay, intii la shaqaysay iyo intii taataabatayba waa mahadsan yihiin, buuggan laba meelood baan ka caashaqay oo kala ah; sidii ay Hargeysa ahaan jirtay iyo ta labaad oo ah inuu ii sheegay inuu adduunyada soo maray madaxweyne siddeed ama sagaal sanno dal xukumi jirey oo aan weligii diyaarad raacin oo aan dalkiisa ka bixin isagoo  gaadhi wata mooyaane, taasina mucjisay igu noqotay,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Qoraaga buugga Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo madasha hadal si weyn looga soo dhaweeyey ka jeediyey, ayaa ka sheekeeyey muhiimadda ay taariikhdu leedahay iyo sida loogu baahanyahay in wixii la soo dhaafay maanka lagu hayo, waxaana uu yidhi, “Taariikhdu waa alxan, waxaanay ku xasuusisaa waxaad soo martay iyo halka aad maanta marayso, waxay ku ilawsiisaa waxyaabaha yar yar ee maanta ku hortaagan ee aan qiimaha ku fadhiyin, markaad dib u raacdona waxa aad ilaabaysaa waxa siyaasad-maalmeedka ah. Waxa la inooga baahanyahay inaynu xasuusnaano dariiqii aynu soo barnay, umaddani haddii aanay shalay lahayn ma raagto, mar walbana waa inaynu maskaxda ku haynaa waxa aynu maanta haysanno ee dawladnimada iyo calanka ah.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, Ex. Wasiir Maxamed Nuur Carraale (Duur), Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Shabeel, Nada Yuusuf Cumar oo magaca Bahda Hiil Qalin ku hadashay iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood si isku mid ah uga sheekeeyey qiimaha buugga, waxaanay ay si gaar ah ugu mahadnaqeen shirkadda buuggan daabacday ee SAGAL JET oo ay sheegeen inay door laxaad  leh ku leedahay kor-u-qaadista iyo faafinta akhrista iyo weliba daabacaadda buugaagta dhawaanahan la qorayey oo qayb libaax leh ka qaatay kobcinta aqoonta iyo khibradda dhallinyarada.

Saddexda xisbi-qaran, shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, Wasaaradda Warfaafinta, ayaa ugu dambayntii madasha ka iibsaday min boqol buug oo ka mid ah diiwaanka Raad-raaca Taariikh Soomaaliyeed, halka jilayaasha aan dawliga ahayni konton buug ka qaateen, waxaana dadweynihii goobta ka soo xaadiray si mug leh u iibsadeen buugaagtii goobta la keenay, iyadoo buuggani ka mid noqday buugtii loogu iibsiga badnaa ee ay daabacdo shirkadda daabacaadda casriga ah ee SAGAL JET.