Shirkadda R4 Ee Maraykanka Oo Sheegtay In Guddiga Qandaraasyadu Ku Reebeen Musuqmaasuq Iyo Eex

0
583

Picture3Hargeysa(Geeska):-Shirkada R4 oo ah shirkad maraykan ah isla mar ahaantaana ka mid ahayd shirkadaha u tarmayey shirkada tobabari doonta Ciidanka Illaalada Sahaminta Shidaalka ayaa sheegtay in qaab musuq maasuq ah loo maray xulida shirkada tobabari doonta Ciidanka Illaalada Sahaminta Shidaalka Somaliland.oo ay dhawaan gudida qandaraasyada qaranku u xuleen Shirkad kale.

Wakiilka Shirkada R4- ee Somaliland Mustafe Xasan oo Wargeyska Geeska Afrika qoraal kooban xalay soo gaadhsiiyey isag oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa ku sheegay in si cadaalada darro ah lagu reebay shirkada R4- oo ka mid ahayd shirkadaha ugu waaweyn ee tobarada siiya ciidanka illaalada shidaal baadhista,waxaana uu ugu horeyn ka hadlay qaabkii ay u bilaabantay hawsha xidhiidhka shirkada R4-ee Somaliland.

“Horta waxaan kaaga bilaabayaa sidii aan contraktigan ku ogaaday ,markii aan Hargeysa imid june 2014 sheekadii diyaaradii ATA ee aan somaliland keeni lahaa  ayaa nin Wasiira ku kulanay Maansoor oo aanan magaciisa sheegayn,waxaa uu igu yidhi waadigii Afghanistan ka shaqaynayay ee ma haysaa company securitigan ka qayb gala arintaa waan ku farxay laakiin maan hubin in companiga aan u shaqeeyo yeeli doono,waxaan kaloo la tashaday dad badan iyo dhalinyaro badan oo qaarkood airporka ka shaqeeyaan oo arrintaa igu waaniyay .Markii aan Afghanistan ku noqday ayaan arrintii u soo bandhigay R4 oo ah shirkada aan u shaqeeyo, waxa uu ninka haysta qaybta Afghanistaan igu yidhi,waxaanu arrinta waydiinaynaa qoladii Maraykanka joogtay oo ah raga iska leh shirkada oo la yidhaahdo David Lewis oo ahaa 2 star General retired from United state Army waxa aan ka warsugany mudo 7 cisho ah,waxay isku raaceen in Safaarada Ethiopian si loo soo baadho Amaanka somaliland,waxay la hadleen And Corbet oo ahaa milatary attach CIA ah kaas oo u sheegay in somaliland tahay meel Amaana oo ka duwan Somaliya.deedna  todobaad ka bacdi waxa la isku racay in somaliland la tagi karo oo aan bilaabo inaan waraaqaha buuxino si loogu Jawaabo Somaliland”Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mustafe Xasan.

Md:Mustafe Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxa kale oo ay R4-Somaliland u soo direen Nin khabiir Amaanka ku ah oo la yidhaahdo Michael peiddy kaas oo yimid Somaliland July 2014 Michael iyo anigu waxaanu la kulanay Wasiiro badan iyo Madaxwayne ku xigeenka,waxaanu xeraynay waraaqihii oo dhan iyo buugii proposalka June dhexdeedii,laakiin michael waxa loogu diray sida amaanku yahay, Anagu lama aanan kulmin gudiga qandaraasyada se waxaanu xiriir joogta ah lahayn Wasaarada Arrimaha Gudaha oo mar walba nala socodsiinaysay meesha wax (Eeg Bogga 6aad)