Shirkadda DP World Oo Dhaqangelisay Isbedel Ay Ku Samaysay Qiimaha Sarrifka Iyo Culayska Dhaqaale Ee Uu Shacabka Ku Keenayo

0
1055

Hargeysa(Geeska)-Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera ayaa ku dhawaaqday inay 12 March hirgelin doonto isbedel ay ku samaysay qiimaha sarrifka ee ay wakhtigan shirkadu isticmaasho.

Warqad wargelin ah oo uu shalay ganacsatada macaamiisha u ah DP world ee dekedda Berbera shixnadaha kala soo degta uu u gudbiyay madaxda maaliyadda ee DP world Raghu Pillai, ayaa wuxuu ku sheegay in DP world fulinayso wareegto ay hore u soo saartay 3 January oo ku saabsanayd is waafajina qiimaha sarrifka. Warqadda DP World oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay ayaa u dhignayd sidan:

“Annaga oo daba socona wareegtadii hore ee taariikhaysnayd 3 January 2019 ee khusaysay is waafajinta qiimaha sarifka, shirkadda DP world Berbera waxay go’aamisay inay fuliso wejiyada nidaamka is waafajinta qiimaha sarifka iyo inay iyadu isu qabto khasaaraha ka soo gaadha qiime dhaca sarifka  ilaa inta la gaadhayo goorta lagu heshiiyay ku dhaqanka qiimaha sarifka. Shirkadda DP world waxay u qaadatay go’aankaasi isaga ah si ay ugu fududayso ama uga gacan siiso ganacsatada Somaliland sidii ay isugu diyaariyaan oo ayna uga gaashaantaan isbedelada la filayo inay ka dhashaan dhaqan gelinta is waafajinta qiimaha sarrifka oo ay muddo dhaaftay mudadii ay ahayd inuu dhaqan galo.

Qiimeyaasha sarrifka ee xilli xaadirkan la isticmaalo waxay isbedeli doonaan 12 March 2019 waxaanay noqon doonaan sidan hoos ku xusan: 1USD = 8,500 SLSH.

Dib u dhigida fulinta ku dhaqanka is waafajinta qiimaha sarrifku wuxuu ina tusayaa lexejeclada shirkadda DP world u hayso bulshada deegaanka iyo guud ahaanba bulshada Somaliland. Mar labaad waxaanu dhammaantiin idiinka mahadcelinaynaa taageeradii iyo dhiirigelinta sida qalbiga furan aad noo siiseen.

Aangana waxa naga go’an oo aan sii wadaynaa maalgelinta dekedda Berbera si aan u xaqiijino in dekedda Berbera noqoto dekedda ugu casriyaysan dekedaha Geeska Afrika.

Waxaan mar kasta heegan u nahay wada shaqaynteena.”

Isbedelka ay DP world ku samaynayso sarrifka ayaa wuxuu saamayn ku yeelanayaa lacagaha ay DP world ka qaado shixnadaha ay ganacsatadu kala soo degaan dekedda Berbera, waxaanay talaabadani saamayn ku yeelanaysaa suuqyada Somaliland, iyadoo ay ganacsatadu lacagtaas ku kordhay dulsaari doonaan shacabka.

Tusaale ahaan halka Koontiinar ee ah 20ft waxa hore looga qaadi jiray laba milyan iyo lix boqol iyo sideed iyo tobaatan lacagta Somaliland ah, haddaase isbedelkani wuxuu ka dhigayaa in laga qaado saddex milyan iyo sagaal boqol.

Koontiinarka 40ft ah waxa isna hore looga qaadi jiray 4 milyan iyo lix iyo sideetan lacagta Somaliland ah, imikana wuxuu noqonayaa 5 milyan iyo lix boqol oo kun.

Ganacsatada Somaliland ayaa talaabadan DP world waxay u arkaan culays aanu dalku iska xejin Karin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here