Shirkadda Diyaaradaha Ee Air Uganda Oo La Joojiyay

0
674

Shirkada diyPicture1aaradaha ee Air Ugandha oo horey isugu xidhi jirtay magaalooyinka Muqdisho ee Somaliya iyo Kambala Yugaandha, ayaa shaqadii lagaa joojiyey amar kasoo baxay hay’ada Duulimaadka ee dalka Ugandha.

Amarkan ayaa lagu sheegay inuu la xidhiidho dhanka baadhitaano lagu sameeyey cilado heysata diyaaradaha ay adeegsato shirkada Air Ugandha. Shirkada Air Ugandha oo hore isugu xidhi jirtay magaalooyinka Muqdisho, Nairobi, Mombasa, Dar es Salaam, Kilimanjaro, Juba, Bujumbura iyo Kigali ayaa waxaa iska leh Shabakada Shirkada Aga Khan Fund for Economic Development.

Warar ay qoreen qaar kamid ah Jaraa’idka Ugandha ayaa sheegaya in arrintan ay salka ku heyso loolan u dhaxeeya qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowlada Ugandha iyo shirkada Air Ugandha oo sanadihii lasoo dhaafay noqotay shirkada ugu weyn ee dalka Ugandha.

Waxaa jira qorshayaal la xidhiidha in dib loo soo nooleeyo shirkadii diyaaradaha ee dowlada Ugandha ee Ugandan Airlines mashruucaasi oo ay wataan siyaasiyiin kamid ah dowlada, arrintaasi oo loo aaneenayo cadaadiska la saaray Air Ugandha.  Shirkada Air ugandha ayaa waxaa si weyn u adeegsada askarta AMISOM ee jooga Muqdisho ee kasoo jeeda dalka Ugandha iyo waliba Somali badan.