Shirkadda Daabacaadda SAGALJET Oo Daahfurtay Diiwaan Lagu Ururiyey Sil-silad Suugaaneeddii SIINLEEYDA

0
528

Hargeysa:(Geeska)-Waxa si rasmi ah loo daah-furay buug lagu soo ururiyey silsiladii Siinleyda oo horraantii toddobaataneeyadii ka curatay dalkii la isku odhan jirey Somalia, kaas oo uu soo ururiyey, iskuna duba riday abwaan Yuusuf Cabdille Cismaan(shaacir).

1

Buuggan oo ay daabacday shirkadda daabacadda ee SAGALJET, ayaa munaasibadda daah-furkiisa lagu qabtay Huteel Mansoor ee magaalada Hargeysa, waxana kasoo qaybgalay Abwaanno, siyaasiyiin, dhallinyaro, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana munaasibadda maamulayey madaxda shirkadda SAGAL JET.

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay maamulaha shirkadda SAGALJET Md Cabdi Yuusuf Aar, waxana uu ku dheeraaday qiimaha buuggani leeyahay, isagoo da’yartii halkaas ku  sugnaynda si hugan u hogo tusaaleeyey sida ay uga ayaan roon yihiin facoodii noolaa wakhtiyadii ay silsilada Siinleey soo shaac baxday,“dhallinyarada maanta halkan fadhidaa way ka nasiib badan yihiin kuwoo qayrkood ahaa ee wakhtiyadii hore jirey, caawana waxa inala jooga awbaan Cabdiqays oo kamid ah afarta abwaan ee Buugga jaldigiiga ku sawiran, waxana uu nasiib u helay inuu xafladda inaga soo qaybgalo, wakhtigii ay Siinleydu socotayna da’diina way ka yaraateen, dhimbiishii ay huriyeenna waxa ay kicisay dad badan oo mujaahidiin ahaa oo dhiigooda u huray in dalkani uu noqdo mid xor ah oo nabadiisii aynu maanta ku naaloonayno. Wakhtigii ay halganka galeena da’diina kama ay yarayn, waxana ay ku qaadatay in meesha ay doonayaan ay qori ku gaadhaan, laakiin maanta waxa in badan oo halkan fadhidaa fursad u heleen in waxa ay doonayaan ay cod iyo qalin ku helaan.”ayuu yidhi Cabdi Yuusuf Aar.

Maamule Cabdi Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa dhallinyarada iyo siyaasiyiintii madasha ku sugnaydba kula dardaarmay inay iibsadaan buugga sil-silada Siinleyda si loo dhiirrigeliyo qoraaga wakhtiga badan geliyey qoristiisa, waxana uu yidhi,“Waxan idinkula dardaarmayaa inaad buugga iibsataan, wakhtiyadan dambena qoraalkaa inagu soo badanaya, taasina waxa ay markhaati u tahay inaynu horumar gaadhayno, haddii aynaan inteena halkan fadhidaa qoraaga uhurin inaynu ka iibsano bug kale inooma qorayo, laakiin anigu arrintaas waan idinku adkaynayaa oo waan idinku dhiirrigelinayaa.”

Maamule Cabdi Yuusuf Aar waxa uu sheegay inaanu wax dhib ah u arkin inuu tartan bilaa turxaan ah oo dhex maray shariikadaha kale ee dhiggooda ah,  “Waxa jira shirkado kale oo aanu walaalo nahay oo iyaguna suuqa nagula jira oo naga dambeeyey, tartan oo kalia ah uunbaa naga dhexeeya, wax kale oo dhib ahina ma jiro, iyagana suuqa waanku soo dhaweynaynayaa, waayo haddii tartanku bato waxa bata wanaagga, waanu soo dhaweynaynayaa waana shirkado nala mid ah oo aanu ku bogaadinayno hawsha ay hayaan.” Ayuu yidhi maamulaha shirkadda SAGALJET Cabdi Yuusuf Aar.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay abwaanka buugga Siilneyda qoray iyo waliba shirkadda SAGALJET ee daabacday, waxana uu sheegay inay qaadeen tallaabo taariikhi ah oo dhaxalka umadda wax kusoo dartay.

Qoraa Buube Yuusuf Ducaale oo isaguna munaasibadda ka hadlay  waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay sil-silada Siinleyda ee buuggan laga qoray, waxana uu dadka xasuusiyey dhibaatooyinka abwaanno uu Cabdi-qays kamid ahaa usoo mareen silsiladdan.

Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi-qays)oo isaguna halkaas ka hadlay, kana mid ah afarta abwaan ee doorka ugu weyn ka qaatay silsiladdii siinayda oo halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu hadalladiisii kamid ahaa “Qolada SAGALJET aad baan ugu mahadnayaa, lacagta u hura buugga oo qaata annaguna abwaanka markaasaanu shaxaadi doonaaye.”

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf(gurey),  qoraa Maxamed Ibraahim Xujaale, Qoraa Cabdalle Xaaji Cali, Maxamed Biixi Yoonis, Cali Cabdi Saa’iq iyo xubno kale oo madashaas ka hadlay, ayaa dadka ku guubaabiyey inay si lacagta u huraan buugga, isla-markaana niyadda u dhisaan qoraaga isku  luray inuu wakhti badan geliyo daabacaadda buugaa.

Ugu Dambayntii waxa halkaas lagu iibsaday nuqullo kamid ah buugga Silsiladda Siinleyda, waxana boqolaal kamid ah buugaas ku dhawaaqay inay iibsadeen xubno siyaasiyiin ah oo madasha ku sugnaa.