Shirkadda African Energy Ee Baadhista Shidaalka Oo Iskaga Baxday Puntland

0
600

Picture1Garowe(Geeska)-Shirkadda African Energy ee ka Diiwaan-gashan Dalka Canada, Sahmin Shidaalna ka wadday deegaanno ka tirsan Puntland ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxday deegaannadaas.

Shirkadda ayaa go’aankeeda ku sababaysay xaaladda amni ee puntland oo aad u liidata iyo khilaaf u dhexeeya Puntland iyo dawladda Muqdisho.

Mas’uuliyiinta shirkaddan ayaa sheegay inay ku wargeliyeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland inay ka baxayaan deegaannadooda ayna joojiyeen heshiiskii wadaagga khayraadka ee ay kala saxiixdeen 2007-dii.

African Energy ayaa waxay baadhis shidaal iyo qodiddiisa ka wadday Ceelasha Nugaal iyo Dharoor, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo shirkaddu ay ku dhawaaqdo inay isaga baxayso gabi ahaan Puntland.

“Sababta aan uga baxayno Puntland Waxaa ka mid ah khilaafka u dhexeeya Dowladda Somalia  iyo maamulka Puntland ee ku saabsan sharcinimada sahminta shidaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ka mid ah sababaha aan uga baxaynno dhulka shidaalka aanu ka baadhayno oo muran uu ka taagan yahay la haanshihiisa,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay shirkadu shalay soo saartay.

Warbixinta shirkadda sahminta shidaalka ayaa xusay inay haatan hayso sahminta in ka badan 60% deegaannada lagu tuhmayo shidaalka ee Puntland ku yaalla, iyadoo xustay in heshiiskii ay faa’iido-qaybsiga ku gashay uu ahaa 20% shidaalka lasoo saaro.

Dhanka kale, shirkadda African Energy ayaa sheegtay in qiimaha dhaca shidaalka ku yimid uu saameyn u yeelan karo faa’iido-wadaagga shidaalka la soo saaro, iyadoo aysan jirin wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dhanka Puntland