Hargeysa(Geeska)-Shirkada is gaadhsiinta ugu balaadhan Somaliland ee Telesom, ayaa shalay galinkii hore dhawr saacadood ka baxday hawada iyada oo markii ay ku soo naqotay hawadana khadkeedu uu noqday mid wali ciladi ay ku jirto.
Dadka reer Somaliland ayaa shalay ku waaberiistay inaanu shaqaynayn khadka telefoonada gacanta ee shirkada is gaadhsiinta Telesom, oo ah shirkada dhanka telefoonada loogu isticmaalka badan yahay,waxase shaqaynayay adeega farriimaha qoraalka iyo Zaadka lacagaha loo isticmaalo.
Inkastoo ay barqadii dambe ee shalay shirkadu ku soo celisay hawada telefoonadeeda gacanta haddana tan iyo xalay waxa la dareemayay inay weli ciladi jirto.
Xidhiidhka dadka ayaa noqday mid meesha intiisa badan ka baxay,waxaanay hadal haynta u badani shalay noqotay is weydiinta waxa helay khadkii telefoonada gacanta ee lagu xidhiidhi jiray.
Comments are closed.