Shirkada SBI Oo Furtay Bisha Ramadaan Barnaamij Khayriya Oo Ay Ku Caawinayso Dadka Danyarta Ah

0
616

Picture3Hargeysa (Geeska)-Shirkada sharaabka SBI ayaa soo bandhigtay qaab cusub oo ay shirkadu bisha barakaysan ee Ramadaan ku caawin doonto dadka danyarta ah, dadka dhimirka wax ka qaba iyo xarumaha agoomaha ee dalka.Munaasibad balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Xarunta SBI ee Magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay Barnaamijkan cusub ayaa waxa ka qeyb galay Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, xunbo ka mid ah Culimada Wasaaradda Diinta iyo Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada SBI oo  shir jaraa,id ku qabtay xarunta shirkada ee magaalada Hargeysa ayaa waxay daaha ka qaadeen barnaamijkan ay shirkadu ugu tala galashay inay ku caawiso bisha Ramadaan dadka danyarta ah ee u baahan in la gacan qabto

Ugu horayna waxa shirkan jaraa,id ka hadlay Maamulaha iibka ee shirkada SBI Liibaan Yuusuf Cismaan kaas oo tafaasiil ka bixiyey sida uu barnaamijkani noqon doono iyo sida looga faa’iidayn doono waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aanu nahay shirkada SBI waxaanu hanbalyo u diraynaa shacab weynaha iyo macaamiisha reer Somaliland ee shirkada SBI ku xidhan Gobol, Degmo iyo Xaafad kasta meel kasta oo ay joogaan, barnaamijkani waxa uu ku saabsan yahay mid khayri ah oo shirkada wadaniga ah ee SBI ugu tala gashay bisha barkaysan ee Ramadaan kaas oo ah “Cab oo Sadaqadayso” taas oo macnaheedu yahay qof kasta oo reer Somaliland oo caba caagad ka mid ah sharaabka SBI waxa uu sadaqadaysanayaa oo uu ugu deeqayaa dadka danyarta ah iyo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Somaliland guud ahaan ee ay ka mid yihiin xarumaha dhimirka iyo agoomaha 50-Shilin oo lacagta Somaliland.”

Maamulaha iibka ee shirkada sharaabka ee SBI Liibaan Yuusuf Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay inaan wax lacag ah oo dheeraad ah lagu kordhin sharaabka isla markaana shirkadu ay faa’iidadeedu ka goyn doonto lacagta sadaqada ah ee loogu tala galay dadka danyarta ah ee Somaliland in loogu kaalmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan waxaanu yidhi “Markaa qof kasta oo caba caagad sharaabka SBI ah waxa uu ugu deeqay oo uu sadaqadaysay 50-shilin oo lacagta Somaliland ah, maadaama oo ay tahay bishii sadaqada bishan barakaysan ee Ramadaan waxaanu ugu tala galnay dadkayaga sidii dhaqanka iyo sunaha u ahayd shirkada wadaniga ah ee SBI inay lacagta faa’iidada ah ee ay ka hesho Wadanka dib ugu soo celiso bulshada, tanina ay ka mid tahay barnaamijyadaas oo ay ku jirto kuwii ugu khayrka badnaa, imikana waxa raacaya cabitaankii in qof kasta oo sharaabka cabaa uu u niyoodo inuu sadaqado siiyey qof walaalkeen ah oo baahan, sharaabkana lama saarin wax lacag ah oo dheeraad ah balse shirkada ayaa faa’iidadeeda ka goynaysa lacagtan loogu tala galay dadka danyarta ah.”.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isaguna ka hadlay Shirkaas jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay dhiiri gelinayaan barnaamijyada noocan oo kale ah, waxaanu tilmaamay inay tahay nidaam dalkeena ku cusub balse lagaga dhaqmo wadamada islaamka ah waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Waxa sharaf noo ah inaanu Maanta ka soo qayb galno bilawga la bilaabayo nooc cusub oo ka mid ah qaabka sadaqada, waa nooc ku cusub dalkeena balse lagaga dhaqmo wadamada islaamka ah waayo waxa lays dhex gelinayaa ganacsigii iyo sadaqadii, waana waji cusub oo ay inoo bilawday shirkada SBI oo markii aanu maqalnay aanu dhiiri gelin darteed uga soo qayb galno, waana mawduuc loo baahan yahay in la dhiiri geliyo waayo dadkeenii baahnaa ayaa dadkii maal qabeenka ahaa wax tarayaan oo si fudud wax u tarayaa waayo marka la yidhaahdo sharaabka aad iibsanayso ayaad sadaqadii wax ku leedahay macnaheedu waxa weeyaan adiga oo wax cabaya ayaad wax sadaqadaysanaysaa adiga oo ka faa’iidaysanaya sharaabka aad iibsanayso oo aan is ogayn shucuur badana u hayn ayaad wax sadaqadaysanaysaa qof walaalkaa ah oo baahan oo agoon ah ama dhimirkiisu dhiman yahay, ama curyaan ah oo aan waxba qabsan karin, waxaanu ilaahay mar kasta inagu waaninayaa inaynu is caawino oo isku naxariisano tana waxay ka mid tahay waxyaalaha loo baahan yahay inaynu isku kaalmaysano.”

Sidoo kale Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Maroodi jeex Sheekh Maxamed Ibraahin iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah Culimada Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa iyaguna dhinacooda soo dhaweeyey barnaamijka noocan ah ee ay samaysay shirada SBI, waxaanay ugu baaqeen shirkadaha kale inay sameeyaan barnaamijyada noocan oo kale ah.

Dadweynaha reer Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyay qorshaha cusub ee ay shirkadda SBI ku caawinayso dadka danyarta ah.