Shirkada  Sagal Jet Oo Xafiiskeedii 3aad Ee Somaliland Ka Furtay Magaalada Borama

0
644

Borama(Geeska)-Shirkada Caalamiga ah ee dhinaca daabacaada ee SAGALJET ayaa xafiis cusub oo noqonaya kii sedexaad ee ay ka furato Somaliland, ka furatay magaalada Boorama, munaasabadii xafiiskan xadhiga lagaga jarayay ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxda sare ee shirkada SAGALJET ee Somaliland, Maayarka degmada Boorama, Salaadiin, Aqoonyahano, culimaaudiin, Madaxda Jaamacaddaha Camuud iyo EELO, iyo martisharaf kale oo aad u badan.

Gudoomiyaha shirkada SAGALJET ee Somaliland Mudane Cabdi Yuusuf Aar oo ugu horayntii halkaasi ka hadlay ayaa  ka war bixiyey Shirkadan, waxana uu xusay sababta ay Boorama xafiiskan uga furteen, waxana uu yidhi “Shirkada Sagal Jet waa shirkad ka shaqaysa dhinaca daabacaada noocyadeeda kala duwan, sanadkii 2007dii ayaa anaga oo ka duulayna baahiyaha jira awgeed waxa aanu adeegan shirkada ka furnay Somaliland iyada oo ay dadku u tagaan dalalka Carabta gaar ahaan Dubai, waxana aan dadaal xoogan u galnay sidii aanu u dabooli lahayn baahida adeegan ee Caasimada Hargaysa kadib waxa aanu xafiis ka furnay magaalada Burco ee Togdheer iyada oo maanta aanu halkan si rasmi ah uga furi doono xafiiskii Boorama oo u adeegi doona haqabtirka baahida dhinaca daabacaada ah ka jirta gobolada Awdal & Salal”

“Sidaas aawadeed, shirkadu wa amid ka timid magaalada Hargaysa, isla markaana ay lahaashaheeda qayb ku leeyihiin dadka reer Boorama, waxana hubaal ah inay Tiknoolajiyad iyo xadaarad casri ah oo loo baahan yahay soo kordhin doonto, dadkana ka furan doonto tacabkii ka gali jiray inay meelo fogfog u tagaan si ay wax u daabacdaan” ayuu yidhi Gud. Cabdi Yuusuf.

Madaxa xafiiska gobolada galbeedka ee SAGAL JET, Mudane Cabdiqani Axmed  Abraar, oo isaguna ka hadlay madasha ayaa ka marag kacay in intii xafiiskan laga furay Boorama uu wax baan ka taray dhinaca bilicda waxana uu yidhi “Waxa hubaal ah in xafiiskan hortii ay boodhadhka daabacan jireen oo kaliya ganacsatada waawayn, balse maanta waxa ay suura galisay shirkadan Sagal Jet in meel walba la sudho boodh quruxsan oo bilicda magaalada dhawra, sidoo kale waxa ay shirkadu shaqo u abuurtay dhinyaro badan kuwaas oo aan ka hawl galinay xarunta shirkada, waxana aan dadka ugu bishaaraynayaa in bishan ay shirkadu ula diyaar tahay qiimo dhimis macaamiisha raali galisa iyo soo dhawayn diiran.”

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xusay in shirkada Sagal Jet ay xidhiidh fog leeyihiin isla markaana ay ka marag kacayaan in tayada shaqadeedu tahay mid hufan waxana uu yidhi “Marka aad meel qiimaynayso waxa la eegaa tayada Shaqaalaheega, sidaas aawadeed, Sagal Jet oo aan xidhiidh qoto dheer leenahay waxaan sheegayaa in tayada shaqadeedu tahay mid la isku halayn karo, waxana hubaal ah in noo soo dhawaysay shaqo loo baahan yahay oo loo tagi jiray meelo fogfog, waanan hambalyaynayaa xafiiska ay Sagal Jet ka furatay Boorama.”

Gudoomiye Xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ee NOW Marwo Radwa Maxamed Gige ayaa iyaduna soo dhawaysay xafiiska shirkada Sagal Jet, waxana ay tilmaantay inay shaqo abuur xoogan oo baahi loo qabay soo kordhiyeen, loona baahan yahay in shirkadaha kale ee dalku ku daydaan.

Si kastaba ha ahaatee xafiiskan Sagal Jet ay ka furatay Boorama oo noqon doona kii 3aad ee shirkadu ka furato dalka, ayaa waxa hubaal ah inuu yahay mid loo han waynaa maantana la helay.