Barnaamijkayagu Waa Siilaanyo: Jamal Madar

0
667

Sida taariikhda ku cad, 26kii March 1969kii waxa ka dhacay waddankii la isku odhan jiray Soomaaliya doorashadii golaha wakiilada oo ay ku tartamayeen 68 xisbi. Xisbiyadaasi waxay soo saareen 123 xildhibaan oo laga soo kala doortay gebi ahaan waddanka oo dhan. Tiradii ugu faraha badnayd ee xildhibaanadaas waxa ku guulaystay xisbigii la odhan jiray SYL oo uu markaa Xoghaye Guud ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.  Muddo yar dabadeed gebi ahaanba xisbiyadii oo dhami iyo xildhibaanadoodiiba waxay ku biireen xisbigii la odhan jiray SYL marka laga reebo hal xildhibaan iyo hal xisbi oo keliya. Halkaa xildhibaan wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, iyo xisbigiisa oo la odhan jiray DABKA oo uu isagu guddoomiye ka ahaa.

Cabdirisaaq oo xagga siyaasadda la isku collaadsaday Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa wuxuu had iyo jeer taageerayaashiisa iyo dadka kaleba kala hadli jiray huteelkii la odhan jiray DABKA hortiisa. Maalin maalmaha ka mid ayaa waxa Cabdirisaaq la weydiiyey bal horta waxa uu barnaamijkiisu yahay inuu dadka u soo bandhigo oo ka dhaadhicyo: Cabdirisaaq wuxuu si fudud ugu jawaabay, “Aniga barnaamijkaygu waa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal”. Waxa halkaas ka caddaatay in xisbiga Cabdirisaaq aanu barnaamij wax-qabad iyo qorshe waddan lagu hormariyo oo uu hayaaba aanu jirin balse uu barnaamijkiisu yahay sidii uu Ina Xaaji Ibraahim Cigaal kursiga uga tuuri lahaa oo keliya. Waxa maanta xaaladaas oo kale ku jira labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI oo barnaamikoodu yahay sidii ay Siilaanyo kursiga uga tuuri lahaayeen oo keliya waayo barnaamij wax-qabad iyo qorshe u degsan oo ay shacabka kalsoonidiisa ku hantaan ma hayaan, haddii ay hayaanna may soo bandhigin.

Xukuumadda in badan ayaanu maagnay oo aanu mucaarad ku ahayn inkastoo aan anigu ahaa mucaarad KULMIYE ka dhex toosay oo aanan marnaba xisbi kale oo mucaarad ah ka tirsanayn. Waxaanse arkay immika markaan si aad ah u dersay ee aan ugu fiirsaday hadalada iyo hab-dhaqanka xisbiyada mucaaradka in mucaaradnimo dhimatay oo aan mucaardnimo caafimaad qabta aan la wadin. Waxaan aad uga fajacay dhawr mas’alo oo ay mucaaradku ku kaceen:

 Markii madaarka Hargeysa gegidiisa dayuuradaha hawshiisa la dhammeeyey ee  Ethiopian Airlines ay duulimaadyadeedii joojisay waxay xisbiyada mucaaradku markiiba bilaabeen inay weeraro is-daba joog ah ku qaadqaadaan xukuumadda halkii ay weerarka kaga qaadi lahaayeen shirkaddii  dayuuradaha ee Itoobiya ee rakaabkii reer Somaliland ee ay waddamada dibadaha ka soo qaadeen oo dhan cidlada kaga dhaqaaqay. Xisbiyada mucaaradku halkii ay xukuumadooda iyo dalkooda iyo dadkooda ay la soo safan lahaayeen waxay la soo saftaan sharikaddaas shisheeye oo weliba suuqeena ka ganacsata kana faai’ida.

 Waddamada kale ee caalamka xisbi kasta oo mucaarad ah marka ay waddankooda is qabtaan waddan kale oo shisheeye, sax iyo qaladba, waxay la soo saftaan waddankooda iyagoo wixii qaladaad ah ee markaa jira ay si hoose xukuumadooda ugala xaajoonayaan.

 Sharikadda Ethiopian airlines uma ay baahnayn abuukaate (advocate) u hadla oo ay lacag ka bixiso ee waxa abuukaate u ahaa xisbiyadeena mucaaradka.  Sharikaddu waa inay amarka iyo macluumaadka xukuumadda ku shaqaysaa ee ma aha in sharikaddu sida ay doonayso ama ay jeceshahay inay xukuumaddu ku shaqayso. 

 Dowladda halkay uga doodi lahayd xuquuqda rakaabkii Ethiopian Airlines ee lagu gefay isla mar ahaantaana ay isaga celin lahayd sharikaddaas waxay ku mashquushay inay iska caabiso mucaaradka oo bahal ku noqday. Waa mas’alo la yaab leh inaad waddankaaga aad waddan shisheeye ka raacdo oo xuquuqdii dadkaaga aad aasto, isla mar ahaantaana aad shacabka ka raadiso taagero ah inaad waddanka xukunto mustaqbalka. Ogsoonow dowladdu may joojin duulimaadyada Ethiopian Airlines ee sharikaddu iyadaa danaheeda u jooisay duulimaadyada immikana iyadaa danaheeda waddanka ugu soo noqotay.

Mucaaradku kumay eekaanin sharikadda Ethiopian Airlines oo keliya ee waxay murankoodii u leexiyeen in 10kii milyan ee Kuwait ugu deeqday mashruuca madaarka Hargeysa la musumaasuqay laakiinse waxa arrintaas beenisay dowladda Kuwait ka dib markii 5 milyan oo doolar oo kale ay ugu deeqday Wasaaradda Duulista iyo Hawada markay ku qanceen sida 10kii milyan ee doolar ee hore ay u baxday. Haddaba, xisbiyada mucaaradku xaal ha siiyaan Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi. 

Sidoo kale markii ay sharikadda sahminta baatroolka ee Genel ay waddanka ka baxday xisbiyada mucaaradka ee Somaliland qaylo ayey gacanta afka saareen, weeraro is-daba joog ahna waxay ku qaadeen xukuumadda. Iyadoo mucaaradka qaarkood lagu eedaynayo inay waraaqo u qoreen sharikaddaas ayaa haddana waxay si cad ula soo safteen sharikaddaas ajaanibka ah halkay waddaninimo iska baadhi lahaayeen oo ay dalkooda iyo dadkooda la soo safan lahaayeen. Waxay mar labaad hiil cad isla barbar taageen sharikad ajnabiya. Waxa haatan soo if-baxday in ka bixitaanka ay sharikadda Genel ka baxday Somaliland aanu ahayn mid la xidhiidha xagga amniga oo keliya balse ay jiraan arrimo kale oo siyaasad dabada ku haya sida ku cad war bixin dheer oo dhawaan laga soo saaray sharikadu sababaha ay uga baxday Somaliland. Ogsoonow xukuumadda Somaliland kuma ay amrin in Genel ay ka baxdo waddanka ee sharikadu iyadaa danaheeda uga baxday waddanka immikana iyadaa danaheeda ugu soo noqonaysa. Waxay weli marmarsiyo ka dhiganayaan oo ku mashquulsan yihiin inay ciidan amniga u ilaaliya oo u gaar ah ay qortaan. Dabcan cudurdaarkii markii hore ay ku baxeen waa inay sii xoojiyaan oo u meel yeelaan.

 Horta labadaa mas’alaba waan ka yaabay oo waxa ii soo ifbaxday inaanay xisbiyada mucaaradka aanay waddaninimo ku jirin balse barnaamijkoodu yahay Siilaanyo.

 Waxase iga sii yaabiyey, Arbacadii, 4tii September 2013, labada xisbi mucaarad ee WADANI iyo UCID ayaa deeq bixiyayaasha taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland u diray warqad wada jir ah oo ay kaga hadleen halista dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo u qorshaysan in ay qabsoomaan badhtamaha sanadka 2015ka. Waxay qodobka saddexaad ee qoraalkooda ay wada jirka u soo saareen ay ku yidhaahdeen “Labada xisbi waxay u aqoonsan yihiin guddiga doorashooyinka qaranka hay'ad dhexdhexaad ah oo awood u leh in ay maamusho hawlaha doorashada oo ay ku jiraan diiwaangelinta cod bixiyayaashu, waana u dhexdhexaad dhammaan dhinacyada siyaasadda.” Bal hadda u fiirso kelmadaha ay hosta ka xariiqeen ee ah inuu Komishanka qaranku yahay “dhexdhexaad” iyo in komishanka qaranku yahay hay’ad “awood u leh in ay maamulsho hawlaha doorashada oo ay ku jiraan diiwaangelinta cod bixiyayaashu”

Waxaynu dhammaanteenba ka warhaynaa qaladaadkii ka dhacay doorashadii deegaanka ee la qabtay 29kii November 2012. Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI ee waajibaadkooda iyo masuuliyadooda koowaad ahayd in ay xukuumadda kula taliyaan in baadhitaan lagu soo sameeyo qaladaadkii doorashada ee dhacay uma jeedaan inay xukuumadda kula taliyaan in qaladaadkaas la saxo si iyagana aanay mar dambe ugu dhicin.

 Waxa la yidhi, nin meeli u caddahay, meeli ka madow. UCID iyo WADANI waxa u cad Siilaanyo oo ma doonayaan in baadhitaan la sameeyo oo wixii qaldamay la saxo ee waxay ka sii digayaan “halista dib-u-dhac ku yimaada” doorashada madaxtooyada ee 2015ka waayo barnaamijkooda ayaa ah kursiga Siilaanyo.

 Dhawr machad oo kala duwan oo uu ka mid yahay machadka saldhigiisu yahay carriga Ingiriiska ee loo yaqaan International Institute for Strategic Studies ayaa war bixin ka soo saaray in doorashadii ugu dambeysay ee Somaliland ka dhacday ay hantaaqo weyn ku keentay geeddi socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland. Warbixintaasi waxay daboolka ka qaaday in “doorashadii golaha deegaanka ee Somaliland ee la qabtay November 2012 ay ahayd mid isku dhexdaadatay oo qaab xumayd marka loo eego doorashaooyinkii ka horreeyey [ee waddanka ka dhacay], la iskuna qabsaday natiijadeedii, taasoo markii ugu horreysay [ee taariikhda Somaliland ] sababtay dhimasho, dhaawac weynna u geysatay kalsoonidii ay shacabku ku qabeen nidaamka doorashada.”

 Waxa ay weliba warbixintu intaas raacisay in “muran aad u qadhaadhi uu ka taagan yahay diiwaan gelinta taasoo dib u dhac ku keeni karta doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiiladaba”. Ma u malaynaysaa in waxa uu faranjigu gartay ay xisbiyadeena mucaaradku garanwaayeen? Maya. May garanwaayin ee waanay u jeedin in qaladaadkii dhacay la saxo waayo way haliilayaan oo barnaamijkooda ayaa ah Siilaanyo.

Waxa intaa dheer, 23kii October 2013, Xafiiska Baadhista Denbiyada Culus ee Musumaasuqa (Serious Fraud Office) ee Ingiriiska ayaa denbi musumaasuq, laaluush iyo wax-is-daba marin ah ku soo oogay sharikadda la yidhaahdo Smith and Ouzman ee Somaliland u samaysay waraaqaha codaynta (ballot papers) ee doorashooyinka. Afar nin oo kala ah Christopher Smith oo ah guddoomiyaha sharikadda, Timothy Forester, oo ah Maareeyaha Iiibka Caalamiga, Nick Smith oo ah Agaasimaha Iibka iyo Suugeynta, iyo Cabdiraxmaan Cumar oo ah wakiilka (Agent) sharikadda iyo   Somaliland u dhaxeeyey ayaa denbigaas aadka u culus lagu soo oogay. Labada masuul ee ugu horreeya liiskan ee denbigaas culus u qoollan waxa shahaado sharaf guddoonsiiyey guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland , Ciise Maxamed Yuusuf (Ciise Xamari). Sharikad aad wax ka iibsatay waxaad shahaado sharaf u siisaa waa wax is-weydiin mudan?

 Kiiskan oo markii hore ka dhacay maxkamadda Westminster Magistrates Court ayaa haatan waxa loo gudbiyey maxkamadda sare iyadoo dacwaddaas loo ballamay in la qaado 23ka November 2014ka. Xukuumadda hore ayaa loo eddeeyey. Miyeynu odhan karnaa mucaaradkeenu waa dhegweyn oo wararkaas ma hayaan? Maya ma odhan karno.

Miyeynu odhan karnaa way il-duufaan oo qaladaadkii doorashada ee shalay dhacay ayey durba illoobeen? Ma dhici karto! Wax kasta way garnayaan ee waxay ku foojigan yihiin oo barnaamijkoodu yahay Siilaanyo.

 Waxaan ka yaabay labada xisbi mucaarad ee is-bahaystay. Waa maxay ujeedada ay laba xisbi mucaarad oo kala siyaasad ahi ay isku bahaysan karaan? Miyaanuu xisbi kastaa goonidiisa u doonayn inuu talada waddanka ku guulaysto?

 Waxay ahayd inay labadoodu ku baratamaan siday u hanan lahaayeen taageerada shacabka oo mid kastaa intuu goonidiisa qaladaadka dowladda u derso oo uu urursado ka dibna shacabka u soo bandhigo xalka ka fiican ka xukuumadda ee xisbigiisu uu hayo? Isbahaysigoodu wuxuu ka tarjumayaa in barnaamijkooda yahay Siilaanyo ee wax uga hooseeyaa aanay jirin.

 Waxa qodobadaa aynu soo sheegnay ku cad in xisbiyada mucaaradku aanay waddaninimo ku jirin oo markii waddankooda iyo sharikadaha waddamada shisheeye is qabteen ay la soo safteen waddamdii shisheeye oo weliba iyagu looyaro bilaa lacag ah u ahaayeen, waxa kale oo cad in aanay xisaabta ugu jirin in nidaamka doorashooyinka waddanka la hagaajiyo oo ay si cad u diideen in doorashadii deegaanka ee waddanka ka  dhacday qaladaadkii ka dhashay la saxo si aanay mar dambe u dhicin balse ay kaga xoog weynaatay in doorashada madaxtooyadu aanay dib u dhicin sida ku cad warqadda ay wadajirka u qoreen, waxa kale oo cad in is-bahysigoodu yahay mid ku salaysan abuuridda muran iyo assaraar siyaasadeed oo waddanka la geliyo halkii ay mucaaradad caafimaad qabta iyo barnaamij wax qabad oo lagu raaco uu xisbi waliba goonidiisa ula iman lahaa oo u soo bandhigi lahaa shacabka. Buugaagta ay xisbiyada mucaaradku sitaan boggii aad rogtaba waxa ku yaal: Barnaamijkayagu waa Siilaanyo.

 Sideedaba, qaranka waxa ka wakiil ah hadba xukuumadda waddanka ka talisa, xisbiyada mucaaradku wakiil kama ah qaranka kamana noqon karaan illaa inta ay shacabku u soo dooranayaan ama u igmanayaan talada qaranka. Xisbul xaakimka KULMIYE barnaamijkiisii wax qabad ee lagu doortay ayuu halkiisa ka wadanayaa. Xisbiyada mucaaradku barnaamijkooda kuma qasbi karaan dowladda. Talada ay soo jeediyaanna tanakadda xashiishka ayaa lagu ridayaa haddii la doono. Ma aha qasab in talada mucaaradku soo jeediyo ay dowladdu qaadato ama ku shaqayso. Dowladda ayey u fiicantahay oo danteedu ku jirtaa in wixii talo ah ee fiican ay qaadato oo ku shaqayso haddiise ay dowladdu diido inay ku shaqayso taladaas iyada ayey dambarsanaysaa oo kalsoonida shacabka iyo codkoodaba ku waayeysa doorashada dambe. Xisbiyada mucaaradku waa inay gartaan doorka ay leeyihiin.

 Markay waajibaadkoodii ku fashilmeen waxay immika xukuumadda kaladhka ku haystaan taladii shacabku uu u igmaday oo ay haatan sheeganayaan inay iyagu wakiil ka yihiin qaranka. Waxaad moodaase inay immika yaqiinsadeen inaanay sharci iyo awoodtoona u lahayn inay qabtaan Shirweyne Qaran markaa waxay sheekadii u beddeleen Dood Qaran. Ujeedada shirka qaran waxay ahayd marin la doonayey in talada waddanka khalkhal lagu geliyo.

 Shirka qaran wuxuu ku suntanyahay Faysal Cali Waraabe oo markii hore shirkaas u dhiibay madasha. Madashuna way iska garteen inaanay shaqaynayn sheekadaas oo waxay dib ugu soo celiyeen xisbiyada mucaaradka.

 Haddaba hadalka Faysal Cali Waraabe in uun wax ka soo qaad leeyahay isagaa yidhi shir qaran baanu qabanaynaa oo dowladdana waanu ku soo casuumaynaa. Casuumaadii waxa fidiyey Cabdiraxmaan Cirro oo warqad laga biyo diiday siiqada ay u qorantahay u diray madaxweynaha isagoo yidhi, “Waxaan ku farayaa madaxweyne in lagaaga fadhiyo saddex xubnood oo shirka kuu metala”. Faysal waxa kale oo uu caddeeyey in ujeedada shirka qaran ay tahay, “Annagaa Talada [Waddanka] Qabanayna”- waa sida uu isagu hadalka u dhigay waraysigii u siiyey TV-ga UNIVERSAL.

Dowladdu waa inay ku adkaysataa inaanay marnaba labada xisbi mucaarad ka qayb gelin wada-hadalada Somalia-Somaliland si aan buuq siyaasadeed loo gelin arrintaas. Shacabka waxa matala dowladda ee mucaaradku ma matalaan. Yaan la xisbiyeyn wada-hadalada.

 Hadal iyo dhammaantii, mucaaradka waxaan leeyahay walaaladiin looma libaaxeeyo ee waa loo dacaweeyaa. Barnaamij keena ay shacabku idinka iibsadaan oo iska daaya barnaamijka Siilaanyo ku foojigan ee ah ku jiq sii ah.