Shirkada DP World Oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiisay Degaanka Go’da 

32
2835

Hargeysa(Geeska)-Shirkada maamusha dekadda Berbera ee DP World ayaa dhawaan deeq biyo ah gaadhsiisay degaanka Go’da weyn, gaar ahaan tuulada Ugaas Madow oo 7 km u jirta degmada Go’da weyn, halkaasi oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 600 oo qoys oo ah dadkii abaaruhu soo barro kiciyeen. 

Masuuliyiin ka tirsan DP World Berbera oo ay weheliyaan maamulka G/Saaxil, ayaa Deeq biyo ah oo gaadhaysa 20 booyadood oo biyo ah oo shirkadda DP World ugu deeqday gaadhsiiyay dadka barro kacayaasha ah ee ku nool degaanka Ugaas Madow ee Go’da weyn. Waxaana ugu horeyntiii halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha degmadda Go’da Mudane Cabdi Cabdilaahi Cige oo ka warbixiyay xaaladda dadka barrokacayaasha ah, isagoo u mahadnaqay shirkadda DP World ee biyahan soo gaadhsiisay iyo xukuumadda Somaliland.

Xasan Cige oo ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda DP World ayaa isna sheegay in deeqdani ay qayb hordhaca ah ka tahay deeqaha ay shirkad ahaan ugu tallo galeen inay u fidiyaan dadka iyo duunyada ku nool degaanada abaaruhu saameeyeen. Sidoo kalena waxa uu xusey in sababta ay u doorteen degaankani tahay biyo la’aanta ka jirta degaanka.
Maaha markii u horeysay ee shirkadda DP World gargaar u fidiso dadka abaaruhu dhibaateeyeen ee ku dhaqan Somaliland, waxaanay sannadkii tagay kaallin laxaad leh ka qaadatay gurmadkii abaarihii aafeeyay Somaliland. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here