Shirkada Air Arabia Oo Shalay Si Rasmi Ah Duulimaadyo Ugu Bilawday Madaarka Cigaal

0
609

Hargeysa (Geeska)-Shirkada Diyaaradaha ee  Air Arabia, oo ka mid ah Shirkadaha ugu balaadhan ee dhinaca duulimaadyada, ayaa si rasmiya shalay duulimaadyadeedii ugu bilawday Dalka Somaliland, gaar ahaan Caasimadda.

Diyaarada  Air Arabia,oo shalay subax soo cago dhigatay Magaalada Hargeysa, iyadoo ka soo kicitintay Magaalada Shaariqa ee Imaaraadka Carabta, ayaa munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay Madaarka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,Wasiiro, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Masuuliyiinta Shirkada Diyaaradaha ee Air Arabia iyo marti sharaf tiro badan, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Wakiilka Somaliland ee Shirkadan Cabdisalaan Xaaji Axmed,waxaanu sheegay inay farxad weyn u tahay inay Somaliland xafiis ka furtaan, duulimaadyana ka bilabaan, waxaanu tilmaamay in duulimaadka diyaaradan ee dalku inay dad wax badan u fududayn doonto,waxaanu yidhi “Farxad weyn bay noo tahay tiimkayga Air Arabia, oo ay noo soo dhawaadan, oo insha allaah ka bilaabi doona duulimaad laba cisho, wiigi Hargeysa,Maamulka joogana aad iyo aad baan u salaamayaa, Dawladuna aad bay noo soo dhaweeysay, Wasiirka iyo dadkii nala shaqeeynayey”

Kabtan Maxamed oo isaguna ah duuliyaha diyaaradan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay diyaaradani si rasmiya dalka uga bilawdo duulimaadyo, waxaanu xusay in lix sanno ka hor ay Somaliland ugu dambaysay, aadna ugu faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto.

Rajiish, oo ah Maamulaha guud ee Shirkada Air Arabia,oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in adeegyada kala duwan ee dhinaca duulimaadyada ah ee Diyaaradani ay dalka Somaliland inay wax badan ka tari doonto.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere iyo Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif oo iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay horumar tahay in Shirkadani ay duulimaadyo ka ka bilawdo dalka, waxayna xuseen inay Shirkadani tahay Shirkad caalamiya.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaynu daah-furaynaa Shirkad cusub oo diyaaradeed, oo magaceedu yahay Air Arabia,oo runtii ku soo biirtay Diyaaradihii hore, ee madaarka Cigaal Internaltional Airport isticmaalayey, ama Somaliland ka ganacsanayey waxaan leeyahay waa guul aynu wada leenahay, waa guul cid kasta oo Somaliland laga soo bilaabo maalintii ay gooni isu taagtay ilaa maanta, inta nool iyo inta dhimatayba waa guul ay wada lahaayeen, waa mid ku timid isku tashigeena”.