Hargeysa(Geeska)-Maanta waxa la soo gunaanadayaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani oo ah maalintii saddexaad ee u dambaysay.
Shirka oo ay maanta u tahay maalintii ugu xiisaha iyo xamaasada badnayd, waxa qodobada lagu ansixinayo ugu muhiimsan xulashada murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani oo loo caleemi saari doono Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo murashixiinta madaxweyne-xigeenka oo la kala saari doono labada nin ee Axmed Muumin Seed iyo Maxamed Cali oo uu tartan adagi ka dhexeeyo.
Sidoo kale waxa shirka maanta lagu soo bandhigi doonaa ansixinta kaabista iyo wax ka bedelka xeerka xisbiga, ansixinta guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga oo ah xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo ansixinta hoggaamiyaha xisbiga oo ah Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Ergada golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa qodobada u qaadi doona cod, waxaana qodobka ugu xaasaasisani uu yahay kala saarista labada murashax ee madaxweyne-xigeenka oo baratankooda si weyn looga dareemayay magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyay.