Shirka Sacad Muuse Oo Furitaankiisa La Cayimay

0
638

Hargeysa(Geeska)-Shirguddoonka shirka Hoodaale ee beesha Sacad Muuse, ayaa cayimay wakhtiga uu shirkaasi furmayo.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka shirkaas Mawliid Maxamed Muumin, ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaaraynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degmada Agabar.

Sidaa darteed waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.”