Shirka Beeshe Ciise Muuse Oo La Cayimay Goorta Uu Qabsoomayo Iyo Goobta Uu Ka Dhacayo

0
898

 

Hargeysa(Geeska)-Guddida qabanqaabada shirweynaha beesha gobolka Saaxil (Ciise Muuse), ayaa shaaciyay wakhtiga uu dhacayo shirweyne beeshaasi hore u iclaamisay inay ku qabsan doonaan deegaanka Dubur ee gobolka Saaxil.

War-saxaafadeed ay shalay soo saareen Guddida qabanqaabadda oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada shirka Suleymaan Jaamac Jibriil (Saleebaan Mijir), ayuu lagu sheegay in shirkaasi 29-ka September ku qaqbsoomi doono deegaanka Dubur, kaasoo ujeedadiisu loogu magac-daray ‘Dan iyo Duco’.

War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Haddii aanu nahay Guddida qabanqaabada shirweynaha Beesha Ciise Muuse ee gobolka Saaxil iyo salaadiinta beesha waxaannu  ogeysiinaynaa, gaar ahaan ergooyinka ka qaybgeli doona shirka, in shirka Beesha ciise Muuse oo loogu magacdaray ‘dan iyo duco’ ka furmo foono magaalada Dubur ee degmada Sheekh, maalinta khammiista ee 1da Dul Qacda 1432, oo ku beegan 29-ka September 2011.

Shirka dulucdiisu waxay salka ku haysaa waa horumarka dadka iyo deegaanka gobolka Saaxil .”