Dadka Oromada Ah Ee Hargeysa Jooga Oo Dareen Walaac Leh Ka Bixiyay In La Masaafuriyo

0
878

 

 

oromoHargaysa (Geeska) Dadka Oramada ah ee kunool magaalda Hargaysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay go’aanka ay wasarada arimaha gudahu ka soo saartay dadka soo galootiga ah, gaar ahaa dadyawga ka  yimid dhanka wadanka Itoobiya. Tiro kamida dadka u dhashay qoomiyada Oromadda uu wargaysaka Geeska Afrika wax ka waydiiyay sida ay u arkaan in wakhtigan wasaarada arimaha guduhu mudo sodon maalmooda u qabtay in dalka ay  kaga baxaan ayaa  ku tilmaamay arintaasi inay ku ahay mid ku dhalisay warwar hore iyaga oo sheegay inay halkan ku koreen aykuna adkaanayso in la geeyo wadan aanay garnahayn meel ay kaga hagaagaan.

 

Ugu horayntii  Cabdi Axmed oo da’isu ay tahay sodaneeyo, kana mida dhalinyarada tirada badan ee suuqayada Hargaysa ku maydha gawaadhida oo uu wargayska Geeska Afrika lakulmay ayaa u cabiray dareenkiisa sidan “Waxaan ahay Oromo waxanan ku dhashay magaalda Jigjiga xaafada Suuqyare,  qiyaastii 12 sano jir ayaan halkan ku imid imikana 33 sano kama yari caruur iyo xaasna waan ku yeeshay, dadka xumaan uma gaysano wanan ka shaqaystaa halkan si aan nabadgalyo wadanka ugu joogno waxaan codsanaynaa in waraq yar naloosameeyo, Itoobiyadan aad sheegaysano imika hadaan tago meel aan kaga hagaagoba garan maayo”

Waxa isaguna sheegay in markuu arintaas maqlayba ay ku keentay warwar badan Farxaan Maxamed Muuse  oo kamida dadka tirada badan ee Oramda ah ee jooga Hargaysa, ninkan dhalinyarada ah oo wakhtigaas uu la kulmay wargayska Geeska Afrikana  ku mashquulsanaa soo saaritaanka nolal maalmeedkiisa ayaa ku bilaabay hadalkiisa “Waxaan ka imid itoobiya waliba  diridhaba, markaan maqlay in nala saarayo waan ka warwaray  arintaa, waxanan ka codasnayaa dawlada Somalilnad inay nala saa’iraan, waayo Waxaan halkan ku imid 5 jira imikana waxaan ahay 19 jir waxaan rabnaa inay dawladani nala saa’irto, Itoobiyana ismaba naqaano oo hadii imika lay geeyo waxay ila tahay meel aanan garanaynba”

Dadkaas uu dareenkooda waydinayay wargaysaku oo intooda badan go’aankaa cabsho ka muujinayay isla markaana tilmaamayay inay Somalilnad mudo dheer ku noolayeen ayaa qaarkood waxa ay xusayeen in loo baahan yahay in wadanka laga saaro dadka dawarsanaya iyo kuwa dhibaatooyinka kuwada balse la daayo kuwa shaqooyinka hoose ee dalka wax ka haya, waxaana kamid dadka arintaa soo jeedinayay Fu’aad Maxamed Cabdi  “Waxaan rabnaa hablahan yar yar, dadka dhibaada sameeya  iyo dawarsadooyinkan in layska diro oo nala daayo anaga, waayo waxaan nahay rag xoogsada oo bariiskooda soo dhacsada, waxaanan jacelnahay in aan wadanka ku noolaano, waxaan jiraa hada 18 sanadood halkana waxaan imi anigoo 10- sano jira ma garanaayo itoobiya waan u dhashay uun ee halkanaan ku koray”

Waraasarad arimaha gudaha ee Somaliland ayaa sheegtay in wadanka dadka soo galotiga ah ee ku sugan oo tiradoodu ay sare u dhaafayso 80,000 oo qof, in lagu sameeyay baadhitaan faa’dada iyo khasaaraha ay wadanka u keeni karaan ayna soo baxday inay wadanka dhib ku hayaan, sila markaan iyaga laftoodu ay ku dayacan yihiin oo aanay waxba ku haysan ayna u soo jeedinayaan inay wadanka kaga baxaan mudo ku siman sodan maalmood. Dadka soo galootiga ah oo wadanka aad ugu badan ayaa hadana waxa ay dadwaynaa Somaliland cabsho xoogan kamuujinayeen mudooyinkii ugu danbeeyay dadka u dhashay qoomiyada Oromadda oo tiradoodu ay aad ugu sii badnaysay magaalooyinka somaliland gaar ahaan caasimada Hargaysa.