Shirka Beelaha Gobalka Gabiley Loogu Baaqayaa Waa Horumarinta Gobalka

0
803

 

Cid kasta oo jecel hormarinta gobalka Gabilay iyo beelaha ku dhaqan wax qabadkooda waxaan ku wargalinayaa in shirka beelaha gobalka Gabilay loogu baaqay inay ahayd mid ku qotanta horumarinta gobalka iyo bulshada ku dhaqan. Sidaasi awgeed waxa aan u soo jeedinayaa gudoomiyaha gobalka Gabiilay Cali Aw Aaadan Meecaad iyo maamulka degmooyinka gobalkaba, oo kulan ku yeeshay  caasimada gobalka 7/07/2011 waxaan leeyahay waxaad ka soo saarteen laba war oo is khilaafsan, mid wax laga sii daayay TV-ga Qaranka oo waxaad ku hanjabteen inaan shir lagu gaban Karin gobalka Gabiilay.

Warka labaad waxa laga sii daayay Tv-ga HCTV, waxaana lagu sheegay inaad xukumaada ugu baaqdeen in gobalka ay abaarihii kaga tageen raad xun kaalmana lala soo gaadho. Haddaba waxa aan ku soo koobayaa inshaa allaah shirka Gabilay waxa uu noqon doonaa mid gobalka iyo xukumaadba wax la qabta.

Mawlid Aadan Cumar, Hargeysa