“Furashada Ururadu Waa Ninkii Baahnaayoow Lagu Fasax, Ninkii Shacbiyad Leh Ayaa Soo Baxaya, Ciddii Aan Shacbiyad Lahayna Orodka Ayaa Reebi Doona”

0
2225

 

 

cadamiHargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa soo dhaweeyay furashada ururada siyaasadda, waxaanu meesha ka saaray inay keeni karaan wax dhibaato ah.

Wasiir Cadami, waxa kale oo uu beeniyay inuu dhawaan shir ka dhan ah Somaliland uu ka furmay bariga gobalka Sanaag oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, “Anigu waxaan u arkaa dhib keeni maysee in aynu ku dhiirano talaabadii aynu qaadnay ee dimuquraadiyad ahayd oo aan hadba in meel lagu xayiro oo lagu cuna qabateeyo u baahnayn oo u baahan in xadhiga loo sii daayo bay dhamays-tiraysaa. Saddexda xisbi doorkoodii ayey qaateen waanay soo shaqeeyeen, wax kasta hala sheego, laakin dulqaad ayey muujiyeen si wanaagsan ayaa xukunkii la isugu wareejiyey ammaan iyo aqoonsi ayeynu ku helaynaa.” Ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami oo u waramay Weriye Muniir Axmed Cigaal, isagoo jooga magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaanu intaas raaciyay “Haddana si fiican ayey u socotaa, tan markaynu dhamaystirno adduunweynuhu jasiirad cidlo ah kuma noolin, kuwii gacanta ugu horeeyey doorashooyinka inaga siiyey ayaan soo arkay, Nayroobi ayaan tagnay oo nin walba wuxuu-na waydiinayey goormaad furaysaan axsaabtii. Laguma dayn xataa dawladee dadweynihiiba laga qaadaya afti oo dadweynihii ayaa ka jawaabay oo yidhi diyaar ayaanu u nahay in aanu furno, baarlamaanka ayaa la gaynayaa baarlamaankuna uu ku ducaynayaa. Wax dhibaato ah oo ka imanaysaa ma jirto, waxaas la sheegayana sharcigii ayaa la xoojinayaa ee  Nr 14 oo habaynaayey, la qurxinayaa oo turxaan oo dhan ayaa laga ilaalinayaa. Ninkii baahnaayow lagu fasax ayey noqonaysaa, ninkii shacbiyad umada ku leh ayaa soo baxayaa, cidii aan shacbiyad lahayna isaga oo aan la caayin oo aan la dhibin oo wax kale lagu samaynin oo xoog iyo awood midna loo sheegan danta iyo orodka la galaayo ayaa reebi doona”

Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inuu dhawaan bariga Sanaag ka furmay shir ka dhan ah Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Maalin ay ka wanaagsan tahay Sanaag sanadkan iyo wakhtigan aynu joognaa ma jirto, waxaana u markhaati furay qaybtii ay ka qaateen munaasibaadi taariikhiga ahayd ee 18-kii May. War badan baa la sheegay hadhawtana la waaya. Aniga laftaydu maalmahaas aan maqlaayey wuu igu soo duulay warkaasi, dabeetana ragii aan wada garanaayey oo magaalada jooga ayaa la xidhiidhay, dabadeedna waxa la i yidhi warkaasu war sal iyo raad-toona leh maaha. Nimanka shirayay  waa dad wax isku sheeganaya oo isla deegan ka ah, gawaadhidii la kiraysan jiray iyo aqaladii la kala kiraysan jiray shuqulo sidaas ah iyo farsamooyin-baa wax laga saluugay iyagaana dhamaysanayaa, laakin wax Somaliland looga gol leeyaha iyo xukumada Somaliland midna hadda kama jiro aagaas, waxaanan aamisanahay sida ay ceerigaabo u fogtahay masaafo ahaan qalbi ahaan iyo siyaasada ahaan ugama foga Somaliland.”