Shirka 8aad Ee Isu-Duwidda Mucaawanooyinka Somaliland Oo Shalay Hargeysa Ka Furmay

0
471

Picture5Hargeysa (Geeska )- Shirka 8aad ee isu-duwidda mucaawanooyinka la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka qabsoomay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay.

Shirkan waxa ka qaybgalay dawladda Somaliland, dawladaha deeq-bixiyayaasha ee Somaliland ka kaalmeeya dhinaca horumarka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah iyo waliba ururrada bulshada ee waddaniga ah, iyadoo uu hoggaamintiisa maamulayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire, kuna wehelinayeen wakiillo matalaya waddamada UK, Denmark iyo Xidhiidhiyaha Arrimaha bina’aadanimada ee Qaramada Midoobay.

Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadal ka jeediyey madasha, waxa uu sheegay in shirkan 8-aad ee isu-duwidda mucaawanooyinka Somaliland ay qaybgalayaan wakiillo ka kala socda sagaal dawladood oo caalamka ah, toddobada hay’adaha Qaramada Midoobay ka tirsan, ururrada Midowga Yurub, Baanka Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, halka dhanka Somaliland ay matalayeen kow iyo toban wasiir, xubno xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah, isla markaana ay filayaan inuu noqdmo mid midho-dhala oo natiijadiisu ka muuqato horumarka sidii 7-dii ka horreeyey u guulaysteen.

Shirkan waxa si rasmig ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khadbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey, waxaannu waddamada mucaawinooyinka siiya Somaliland uga mahadceliyey taageerada dhaqaale ay  la garab taagan yihiin, isagoo xusay inuu rajaynayo sannadkan dhaqaalaha lagu caawiyo Somaliland uu keeno horumar ballaadhan.

“Way noo qiimaysan tahay doorka aad ka qaadataan caawimada aad Somaliland ahaan na siisaan, si loo helo barwaaqo iyo fursado ay helaan dadkayagu, waxa kaloo noo tirsan doorka wanaagsan ee aad u wadaan taageerada dadaallada ka midho-dhalinta xasillooni iyo horumar uu gaadho guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa kaloo uu ka warramay dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarka uu gaadhay 25 sanno oo ay ka madaxbannaanayd dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isla markaana muddadaasi ay si gaarkeed ah u dhistay ammaankeeda, dhismaha hay’adaha dawladnimada, hannaanka dimuqraadiyadda iyo dib-u-dhiska waddanka, waxaannu isku tashiga Somaliland tusaale ugu soo qaatay go’aankii maxkamadda Sare ee Somaliland ku xallisay khilaafkii ka dhashay muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay xukuumadda iyo golayaasha Baarlamanka, waxaannu yidhi, “Iyadoo la ilaalinayo habka dhaqanka noo ah ee ah in nabad wax lagu xalliyo, waxaan ku faraxsanahay inaan idiin sheego in Maxakamadda dastuuriga ah si adag oo hab loo dhan yahay ah ay u xallisay khilaafkii dib u dhaca doorashada. Xalkaasi oo ah mid loo dhan yahay, dhammaana ay ku qanceen dhinacyada doorashadu khusayso,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Shirkan waxa diirrada lagu saaraay, isla markaana lagu gorfaynayey baahiyaha horumarineed, kuwa bina’aadanimo iyo iskaashiga u dhaxeeya Somaliland iyo beesha caalamka, si gaar ahna waxa loogaga hadlay sidii loo hirgelin lahaa nidaamka mucaawnimo ee Somaliland u gaarka ah (Somaliland Special Arrangement) iyo ka jawaabidda arrimaha bina’aadanimo ee ay ka mid yihiin abaaraha soo food saaray Somaliland iyo qaxoontiga ka soo cararay qul-qulatooyinka waddanka Yemen.

Dawladda Somaliland waxay si faahfaahsan uga war-bixisay horumarka ay ka samaysay dhinaca dib-u-habaynta nidaamka iyo shuruucda maaliyadeed, caddaaladda, ammaanka, arrimaah maamulka dhulka iyo kor-u-qaadida arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga. Sidoo kale, dawladdu waxay ka war-bixisay caqabadaha iyo dhibaatooyinka Somaliland ka soo wajaha abaaraha baahsan ee waddanka saameeyey iyo culayska dhaqaale iyo ka amni ee qaxoontiga ka soo cararay waddanka Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isna ka hadlay shirka, ayaa sheegay in dawladda Somaliland diyaar u tahay inay sii wado wadashaqaynta fiican ee ka dhaxaysa qaadhaan-bixiyayaasha iyo guud ahaan beesha caalamka si Somaliland u gaadho ujeeddadeeda qorshaha horumarka mustaqbalka dheer ee ay hiigsanayso ilaa sannadka 2030.

“Baahida loo qabno in aannu maamulno hiigsigayada horumarku waxa uu caddaynayaa in aanaan mucaawanada iyo taageerada nala siiyo ugu xidhnaan karin maamulka dalkii aannu kala tagnay ee dawladda Federaalka Soomaaliya, sidaad ka war qabtaan muwaanada Somaliland u gaarka ah (Somaliland Special Arrangement) waa hab ka baxsan oo ka duwan ka caawimada Soomaaliya. Sidoo kale, Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa hannaan muhiim u ah qorshaha horumarkayaga, kaas oo saamayntiisu ka muuqato dalka, isla markaana ay ku xidhmayaan saaxiibo badan oo ka mid deeq-bixiyayaasha Somaliland taageera,” ayuu yidhi Md. Biixi.

Waxa iyaguna shirkaas ka hadlay wakiillo ka socda beesha caalamka oo xusay sida ay u ugu faraxsan yihiin dedaallada kala duwan ee Somaliland ugu jirto horumarinta nidaamka dawladnimo, ka jawaabidda baahiyaha mudnaanta u ah bulshada reer Somaliland iyo fal-celinta arrimaha bina’aadantinimo, waxay dawladda si gaar ah ugu ammaaneen soo dhawaynta iyo qaabilaadda qaxoontiga waddanka Yemen.

Ugu dambayntiina, waxay dawladda Somaliland iyo wakiillada beesha caalamku isla qaateen in la dardar-geliyo hirgelinta nidaamka mucaawinimo ee Somaliland u gaarka ah (Somaliland Special Arrangement) iyo in mucaawimada lagu sargooyo baahiyaha Somaliland mudnaanta u ah.

Waxa sidoo kale laysla qaatay in kor loo qaado ka jawaabidda abaaraha iyo gacan-siinta qaxoontiga ka soo cararay waddanka Yemen.