Shiinaha Oo Sheegay Inuu Safaarad Ka Furanayo Xamar

0
911

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay inay 23 sannadood ka dib furanayso safaaradii ay ku lahayd Somaliya.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada dalka Shiinaha Hong Lei ayaa u sheegay jariirada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Britain inay sida ugu dhaqsaha  badan u furanayaan safaaradoodii ay ku lahaayeen Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan dedaalada ka socda Muqdisho. “talaabadaan waxaan u qaadanay kadib markii Soomaaliya ay yeelatay Dowlada Federaal ah iyo Baarlamaan” ayuu yidhi Afhayeenka Wasaarada Arimaha dibada dalka Shiinaha Hong Lei.

Shiinaha ayaa la aaminsanyahay inuu wakhtiyadan dambe  awood ku soo yeelanayo siyaasadaha iyo arrimaha ka taagan qaaradda Afrika, waxaana dhaqdhaqaaqiisa il gaar ah ku haya wadamada reer galbeedka.