Shidaal Yaraan Ba’an Oo Wadanka Ka Jirta Xilli Madaxweyne Siilanyo Uu Booqday Haamaha Shidaalka

0
618

Hargeysa(Geeska)-Shidaal yaraan ba’an ayaa laga dareemayaa Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii uu shidaalku wadanka gabaabsi ka noqday maalmihii u dambeeyay, gaar ahaan Baatroolka, waxaana maalmihii u dambeeyay la kordhiyay qiimaha Baatroolka. Si gaar ah waxa shidaal yaraanta looga dareemayaa caasimadda Hargeysa, waxaana shalay laga war helay qaar ka mid ah kaalmaha magaalada Hargeysa ee shidaalka oo la xidhay, ka dib markii uu shidaalkii ka dhammaaday, halka qaarkoodna ay shidaalkii ay hayeen u xidheen macaamiishooda gaarka ah. Shidaal yaraanta ayaa ku kooban Baatroolka oo ah shidaalka loogu isticmaalka badanyahay.   Si rasmi ah looma garanayo sababaha keenay shidaal yaraanta, Waxase la aaminsanyahay inuu kala go’ ku yimid shidaalkii ay shirkaduhu wadanka keeni jireen taas oo iyada qudheeda la isweydiinayo sababta keentay inuu kala go’ ku yimaado shidaalka, gaar ahaan Baatroolka.

Shidaal yaraantan ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu Madaxweyne Siilaanyo Salaasadii shalay booqday soona kormeeray haamaha kaydka shidaalka ee Berbera, isagoon ka hadal shidaal yaraanta wadanka ka taagan.

Shidaal yaraantan, ayaa haddii ay sii socoto waxa ay saamayn ku yeelan doontaa nolosha shacabka reer Somaliland ee danyarta u badan oo ay ganacsatada shidaalka koobani ku soo hadhay ku sii qaaliyayn doonto qiimihiisa.