Maalmo markuu maqnaa, xaakinkii calooshiisu u caqliga ahayd suldaankii ayuu yimi. “Bal waran walaal?” ayuu suldaanki ku yidhi. Inta uu hoos u foororsaday oo cabaar yara aamusay ayuu walaalkii ku yidhi, “Hadaan gartay waxa aad iiga dad iyo dal wanaagsanaatay.”
“Waxay ila tahay waad cibro qaadatee; bal ii sheeg waxan kaaga dad iyo dal wanaagsanaaday?” Ayuu celiyay suldaanki.
“ Waxad leedahay taliyeyaal wanaagsan oo badan,” ayuu ku jawaabay.
“Waa run,” ayuu ku yidhi Sulsaanki, “oo xaakinna caqligiisa iyo calooshiisa oo keliya xukun wanaagsan kuma gaadhi karo.”
“Walaal, taliyeyaashan badan mid i sii,” ayuu ka codsaday xaakinki.
“Waa yahay,” ayaa suldaanki ku yidhi.
Suldaanki nin la taliye ah oo weyn ayuu u yeedhay. Wuxu ku yidhi, “Walaalkay la taliye ayuu u baahanya ee raac.”
La taliyihi wuxu ku yidhi suldaankii, “Suldaan, walaalkay oo aanu naas wada nuugnay oo iga weyn ayaan u keenayaa.”
Suldaanki wuxu celiyay, “ Waa yahay, ee u keen.”
La taliyihi golihii suldaanka wuxu keenay sac weyn. Suldaankii oo yaabsan ayaa weydiiyay, “Waa maxay sacani!!!?”
“Waa walaalkaygii oo aanu naaska wada nuugnay oo iga weynaa!!!” Ayuu u cleiyay la taliyihi.