Sheekh Dirir Oo Ka Cudur-daartay Golaha Culimada Oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Daray Iyo Magacyada Xubnaha Wadaadada Guddigaas Lagu Daray

0
505

Hargeysa(Geeska)-Sheekha caanka ah Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa ka cudur daartay guddiga culimada oo uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay kuwaas oo uu Sheekha ku daray.

Sheekh Dirir oo u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu mabdi’yan taageersanyahay dhismaha guddigan oo qaranka faa’iido u leh balse uu ka cudur daaranayo ka mid noqoshadooda, waxaanu sheekhu sheegay inuu tiraba laba goor madaxtooyada u sheegay inuu guddiga taageersanyahay laakiin uu ka cudur daaranayo inuu xil ka qabto. “Mabda ahaan waan taageersanahay waanan soo dhawaynayaa guddigan. Balse horena laba goor ayaan madaxtooyada ugu sheegay inaanan diyaar u ahayn xilkaas, haddana waan ka cudur daaranayaa. Laakiin waan soo dhawaynayaa in la dhiso guddigan, dadka ku jirana waan soo dhawaynayaa.” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa jimcihii magacaabay guddi ka kooban 12 xubnood oo ah guddiga culimada oo uu dhigayo distoorka Somaliland muddo dheerna la sugaayay magacaabistaasi.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay gudigan in ay "xoojiyaan midnimada iyo wadashaqaynta culimada dhexdeeda. Sidoo kale, waxaan idinkula dardaarmayaa ayuu yidhi in aad nagala shaqaysaan la dagaalanka balwadaha, figradaha xag jirka ah, qabyaaladda iyo ka hortagga kala qaybinta bulshada. Ducada badiya, dadkana khayrka u tilmaama".

Gudigan oo loo gudbin doono golaha guurtida si ay u ansixiyaan waxay magacyadoodu kala yihiin :

1. Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Boqorre Jawhar.

2. Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed

3. Sheekh Maxamed Cumar Dirir

4. Sheekh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil

5. Sheekh Dr Cabdirashiid Sheekh Saalax

6. Sheekh Dr Xasan Sheekh Cali Warsame

7. Sheekh Dr Cumar Yuusuf Axmed

8. Sheekh Cabdilaahi Xasan Xaashi Barbarawi

9. Sheekh Cabdikariim Xasan Xoosh

10. Sheekh Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)

11. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi

12. Sheekh Maxamed Xasan Yuusuf (Agaasimaha guud ee guddida)