Sheekh Aadan-Sune Oo Ay La Soo Daristay Xaalad Caafimaad Darro Iyo Dhakhaatiirta Oo Ku Taliyay In Qaliin Deg Deg Ah Lagu Sameeyo

0
1271

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan-sune), oo muddo ku jiray xabsiga magaalada Hargeysa, ka dib markii ay maxkamadda gobalka Hargeysa ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah, ayaa waxa la soo daristay xaalad caafimaad darro.

Sheekh Aadan, ayaa waxa helay bog dilaac, waxaana la keenay cisbitaalada magaalada Hargeysa. Cisbitaalka International ee magaalada Hargeysa ayaa baadhis uu sameeyay wuxuu ku sheegay in Sheekh Aadan uu ku dhacay bog dilaac, waxaanu cisbitaalku ku taliyay in qaliin deg deg ah lagu sameeyo. Sidoo kale wuxuu cisbitaalku sheegay inuu u baahanyahay Sheekhu inuu cisbitaalka jiifo muddo si xalaadiisa loola socdo islamarkaana marka uu cisbitaalka ka baxo uu u baahanyahay saddex bilood oo nasasho ah.

Sheekh Aadan oo markii cisbitaalka la keenay laga soo kaxeeyay xabsiga Hargeysa, ayaa isla shalay dib loogu celiyay xabsiga iyadoo aan wax qaliin ah lagu samaynin.

Qoyska Sheekh Aadan, ayaa Geeska Afrika u sheegay in Sheekhu u baahanyahay qaliin deg deg ah si loola tacaalo xaaladda caafimaad darro ee la soo daristay.

Dhawr goor oo kala duwan ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo soo jeediyay baaq ah inuu Sheekh Aadan ku sii daayo cafis Madaxweyne, laakiin weli lagama hayo wax jawaab ah.

Sheekh Aadan, ayaa waxa la xidhay horaantii sannadkii 2017, waxaana lala xidhay dhallinyaro kale oo tiradoodu gaadhayso 18.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here