Sheekh Aadan-Sune Iyo Dhallinyaro Kale Oo Ay Maxkamadda Hargeysa Xukuno Ku Riday

92
18601

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa xukuno kala duwan ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne), iyo dhallinyaro kale oo lala xidhay.

Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa shalay soo gunaanaday dacwadda Sheekh Aadan-sune iyo dhallinyarada kale ee lala xidhay. Maxkamadda gobalka Hargeysa xukunka ay shalay ku riday Sheekha iyo dhallinyarada ayaa isugu jiray 9 sannadood ilaa hal sanno oo xadhig ah. Waxa ay maxkamadu  Sheekh Aadan-Sunne ku xukuntay shan sannadood oo xadhig ah.

Dacwada ayaa ku socotay Sheekha iyo 18 kale oo dhallinyaro ah oo ay laba maqane ahaayeen, waxaanay dhammaantood  oo ay ku jiraan kuwa maqanaha ahi ku riday xukuno kala duwan oo isugu jira 9 sannadood ilaa hal sannadood. Mid ka mid ah dhallinyaradan oo isaga lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah ayay maxkamadu amartay in la sii daayo, ka dib markii uu xadhigu ka dhammaaday.

Bulsho badan oo reer Hargeysa ah ayaa muddooyinkan dambe u dheg taagaysay xukunka ay maxkamadu ku ridi doonto Sheekh Aadan-sunne oo ka mid ah culimada reer Somaliland iyo dhallinyaradan.

Xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sheekh Aadan-sunne xidhay bishii September ee sannadkii hore ee 2017.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here