Sheekh Aadan-Siiro Oo Baaq U Diray Madaxweynaha Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka

0
643

 

siroHargaysa( Geeska )-Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray ( Sh.Aadan Siiro ), ayaa xukuumada iyo komishanka ugu baaqay in loo baahan yahay go’aan dalka lagu badbaadiyo, isla markaasna lagu soo dhammeeyo muranka ka dhextaagan      shacabka.

 

Sheekh Aadan Siiro waxa uu komishanka ku dhaliilay inay leexiyeen xilkii qaranku u dhiibtay bilaw iyo dhammaadba, waxaanu ugu baaqay in laga sugaayo madaxweye Axmed Siilaanyo iyo komishanka doorashooyinkaba go’aan cadaalad ah oo dalka lagu badbaadiyo.

Waxa uu sidan ku sheegay Sheekh Aadan Siiro khudbadii Salaada jimce waxaana hadaladiisa kamid ahaa “ Toddabadaas nin ee meesha soo tagnaa markii lagu kala shubanaayay, ee kormeerayay, ee soo taagnaa markii dawooyinka lala hortaagnaa meelahii codku ka socday, ee markii waraaqaha lays waydaarinayay iyagu soo taagnaa ee intaas kormeerarayay, masuuliyadaasuna ay saarnayd, ee dalkii oo dhan uu aaminay, ee leh shalay sidaas ayaanu nidhi maantana sidaas ayaanu leenahay ee aan laga hayn go’aan ay umaddu raacdo, waayo cidda la hadlaysaa waayose cida leh in maanta la yidhaado waar umadda ha muransiinina ama go’aan umaddu ay raacdo ay ku qanacdo oo caqliga iyo cadaalada iyo maslaxada guud siday ku jirto inuun la kaalaya.”

Sheekhu waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday sidan “ Maanta waxaynu u baahnahay cid dalka badbaadisa, dadka in la muransiiyaana looma baahana komishanku shaqadiisii waa uu leexiyay bilaw iyo dhamaadba, ilaa imikana go’aan cad oo la taaban karo oo ay umaddu ku qanacdo oo ay isku dabataagto oo ay ku adkaystaan ma jirto, khilaafkiina waxaad moodaa inuu sii kordhay, xukuumadana waxaanu leenahay gaar ahaan madaxweynaha go’aanbaa laydiinka fadhiyaa umaddu ku qanacdo oo dadka raali galiya oo dalkan badbaadiya, waxa taaganina waa khilaaf siyaasi ah, hawsha go’aankaasu maanta xukuumadday u taala oo waliba haddii go’aankaasu uu wakhti sii qaato arinku waa uu sii xumaanayaa.”