“Shaqadii Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Dalka Ka Maqan, Waddo Laami La Saaraa Shaqo Maaha”

0
867

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay dhulka uu sheegay Abwaan Axmed Saleebaan Bide in lagu haysto, waxaanu sidoo kale soo bandhigay weydda ka muuqata shaqadii wasaaradda hawlaha guud.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale baaq u diray Wasiirka Hawlaha Guud, waxaanu ugu baaqay inuu hagaajiyo togaga ama dooxyada dadka la taga, marka ay roobabku da’aan, oo uu xal uga sameeyo daadka,waxa kale oo uu ka hadlay Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID ee la doortay, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Doorashada “Waxaan ku baaqayaa Xisbiyada iyo waliba Bulshada in si nabadgalyo ah Doorashada haddii ALLE ka dhigo looga wada qayb galo, mar haddii ALLE nabadgalyo ina siiyey waa in si aan lahayn xiqdi iyo xaasinimo oo aan xumaan lahayn waa in Doorashada loo gala”.

Xildhibaan Axmed Wali mar uu ka hadlayey Dhulka Abwaan Axmed Saleebaan Bide iyo dhulka uu sheegay in lagu haysto  ayaa yidhi “Waa in wax walba sifo sharciya loo mara, oo aan lagu xad-gudbin sharciga, Sharciga ay Dawladdani sameeystay socon mayaan, haddii aan sharcigii hore lagu shaqeeyn, Abwaan Axmed Saleebaan Bide mar haddii uu sheegay inuu dhulkan uu sharci u haysto, oo waliba lagu qabsaday, kolay mar haddii is qabsi yimid, Maxkamadda ayaa ku shaqo leh, aniguna Maxkamadda tilmaami maaye, waa in  sharciga loo hogaansamaa, oo cidii xaq leh xaqeeda la siiya”.

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadlaayey Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa yidhi “Wasiirka Hawlaha Guud waxaan ugu baaqayaa in togaga biyaha ee dadka la tagaya, inuu sameeyo, Shaqadii Hawlaha Guud ayaa dalka ka maqan, Waddo laami la saaro shaqo maaha, ee Togagan dadka qaadaya ama Waddooyinkan xidhmaya marka uu roobku da’o, waa in shaqo laga qabtaa”.

Dhinaca kale wuxuu soo dhaweeyey Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga UCID, ee dhawaan la doortay.