Shaqaalaha Dawladda Oo Loo Fasaxay Xuska Munaasibadda Dheelminta Nebiga CSW Oo Maanta Ku Beegan

0
465

Hargeysa (Geeska) – Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa Khamiista Maanta ah fasax ka ah Shaqada, maaddaama oo ay ku beegan tahay Laylatu Micraaj ama Habeenkii la dheel-miyey Nebiyulllaahi Muxamed (CSW).

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u qornayd :-

Ujeeddo: Munaasibadda Israa-wal Micraaj

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyadoo ka raacaysa Jadwalka Maalmaha Fasaxyada Qaranka guud ee sanndkan 2021, waxa Maalinta Khamiista ku beegan Israa Walmicraaj oo ah Maalintii la dheel-miyey Nebigeennii Suubanaa  N.N.K.H ay Tahay Maalinta Khamiista ah ee Taariikhda Hijriyadu tahay 27.07.1442, Miilaadiguna tahay 11.03.2021, shaqaalaha Dawladdu waxay fasax ka yihiin hawl-maalmeedkiis shaqo ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu Maalintaa waa fasax hal Maalin ah, waxa shaqada dib loogu soo noqonayaa Maalinta Sabtida ee Taariikhdu tahay 13.03.2021. Sidaa daraadeed Shaqaalaha Dawladdu dhammaantood waa ka fasax ay uga masuulka ahaayeen Qaranka JSL Maalinta Khamiista ah ee 11.03.2021..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office